Farmaajo oo wakhti yari u haray iyo Cabdi Xaashi oo loo diiday inuu shirka Dhuusamareeb ka qaybgalo

 


Dhuusamareeb waxa ka furmaya shirka madaxda maamul goboleeda iyo dawlada dhexe iyo gudomiyaha Gobolka Banadir shirkan oo beesha caalamku soo abababushay waxuu u muuqdaa mid aan waxba ka bedelayn adadkaanta farmaajo. Farmajo wali wax tanasul ah kama samayn arimaha gudiyada doorashooyinka ee muranku ka joogay gaar ahaan xubnaha dawlada kaga jira iyo gudoomiyaha aqalka sare ooloo diiday inuu isugu soo magacabo xunbaha gudiga ee gobolada woqooqyi.

Dowladu waxey sameeysay wax kasta oo arintaas lagu hor istaagay waxanay ka dhigtay Gudoomiyaha aqalka sare midan saamayn siyaasadeed ku lahayn talada dalka,  gudoomiyaha aqalka sare waxuu sheegay qoraal uu soosaaray inuu shirkaas ka baaqday maadaama oon xal laga gaarin khilaafkii ku saabsanaa arinta la xiriirta xildhibaanada iyo gudiyada gobolada woqooyi

Xukumada Farmajo oo ay u hartay wax ka yar 7 maalmood mudo xileedkisa waxa uu markan u muuqdaa inuu wajahayo fashil siyaasadeed wayo ma jirto wax qorshe ah oo uu u soo soo bandhigay, iyadoo madaxda maamaulada jubland iyo Puntiland muujiyeen tanaasul siyaasadeed isle markaana ogolaadeen soo jeedintii beesha caalamka ee aheeyd in markal laysugu yimaado .

Daneeyayaasha siyasada Somalia waxay doonayaa in shirkan noqdo mid xal kama danbays ah looga gaaro siyaasada cakiran ee Somalia isla markaane ka soo baxaan go’aamo lagu gaarayo doorashada wakhtigeedii maalmuhu ka hareen.

Dhanka kale waxa gobolka Galgudud ka socda dagaal beeleedyo u dhexeeya beelaha wada dega halkaas, dagaalkaas oo khasaare gaystay, waxa kale oo xalay madaafiic lagu garaacay magaalada dhuusamareeb ee shirku ka bilaabmayao taasi oo cabsi ku abuurtay bulshada maadaama oo shirku ka dhacayo halkaasi.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?