FARMAJO AYAA KA MASUUL AH KHALKHALKA SIYAASADEED EE DALKA KA DHACAYA.


 Xukuumada Farmajo ma rabto ineey doorasho qabato, kaliya waxey rabtaa ineey xilka sii hayso sabab walba, Farmajo waa muwadin haysta dhalashada Mareykanka taasaa muujinaysa inuu yahay muwadin laba dal dhalashadiisa haysto, maalintuu xilka ka tagana wuxu aadayaa Maraykanka.

Dawladu waxay habeenkii la wareegtay goobtii loo qorsheeyay inuu ka dhaco mudaharaadku oo ahayd Daljirka Dahsoon iyadoo gaysay baabuurta gaashaaman iyo ciidama tiro badan si ay uga hor istaagtao in dadwaynuhu isugu yimaadaan goobta oo dareenkooda u muujiyaan.  Waxa kale oo jiray dhawr weerar oo dhex maray ciidamda dawlada iyo ilaalada musharaxiinta.

Dawladu waxay ciidamo dhigtay dhamaaan isgoystyada muhiimka ah iyo wadooyinka.

Hadaba subaxii jimcaha maxaa dhacay? sidii balantu ahayd waxa isu soo baxay dadwayne si nabadgalyo ah u mudaharaadayay kiuwaas oo dareenkooda cabirayay. Waayo dastuurka ayaa u damaanad qaadaya in bulshadu banaanbixi karto si nabad galyo. Muhdaharaadaka oo ay hogaaminayeen hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka sida Cabdiraxmaan cabdi Shakuur, Xasan Cali Khaire, Cabdikarin Xuseen Guled, Mahad Salad iyo madax kale waxay ku dalbanayeen in Farmaajo baneeyo kursiga looga taliyo dalka maadaama uu ku fashilmay dalka mudo afar sano isla markaane uu ku guuldaraystay inuu dalka ka qabto doorasho.

Marka hoos loo fiiriyo dhamaan arimahaan inay dhacaan waxa sabab u eh xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ee hada talada dalka haysa, taasoo ku fashilantahay inay dalka ka qabato doorasho lagu wada qanacsanyahay. Maahan inay ku guuldaraysatay inay doorasho qabato balse waxay ku guul daraysatay in ay mudo afar sano ah ku keeni waysay isbedel dhab ah uu umada somaliyeed. Farmajo waxa kaliya u muuqdo waa inuu kursiga markale ku soo laabto sabab kastaa, taas awgeed waxa uu caburinayaa banaanbaxayaasha dalbanaya inuu kursiga baneeyo.

Dhinaca kale waxa jiray tuhuno ah in Maraykanku ka gaabiyay doorkii uu kulahaa dhexdhexaadinta Somalia waayo, Maraykanku waxuu door muhiim ah ka ciyaari jiray isu soo dhawaynta khilaafka kasta oo dhex mara mucaaridka iyo dawlada. Taasi waxay muujiaysaa in Maryakanka, Qatar iyo Turki si cad u taageerayaan dawlada wakhtigeedii dhamaaday ee Farmaajo.

Farmajo waxuu haystaa dhalasho Maraykan ah, isagoo dhalashadaas heeysta ayaanu madaxweyne noqday, sharcigu wuxuu ahaay inuu Pasaportka Maraykanka iska Kanselo si uu u noqdo madaxweyne u  madax banaan danaha Somalia. 

Ilham Omar oo ah xildhibaanka ka tirsan Aqalka barlamanka Maryakanku wali wax saamayn ah kuma lahayn siyaasada Somalia, mana sheegin fikirkeeda ku saabsan khilaafka iyadoo intabadan ka hadasha arimaha carabta iyo beriga dhexe. Ilham Omar waxey isku deegaan ka soo jeedeen Farmajo taaso tilmaamaysa inay taageero hoose u hayso Farmajo, halka Maraykanku uu ka gaabiyay doorkisa ahaay in uu khilafka gacan ka geesto.

 


 


Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?