Farmajo oo Fashiliyay Shirkii Dhusamareeb 4

 


Shirkii dhuusamareeb 4 ayaa gebi ahaanba ku soo dhamaaday fashil iyo natiijo la’aan dhinacyada oo dhan ku kala tageen. Shirka oo beesha caalamku dabada kariixaysay waxa logu talagalay in lagu dhameyo khilaafka siyaasadeed ee hareeyay arimaha doorashooyinka iyadoo mudo xileedkii xukuumada Farmajo laba cisho kaliya u hartay. Shirka oo mudo dhawr cisho ah halkaas ka socday dawladu lama iman wax tanaasul ah waxaana muuqato in farmajo fashiliyay shirkaas isla markaana marmarsiiyo ka dhigtay arinata Gobolka gedo iyo xildhibaanada gobolada woqooyi.

Farmajo waxuu diiday in masuul ka tirsan maamulka Jubaland tegi karo gobolka gedo oo ahaa arimaha muranku ka taagnaa taasina waxey ahayd marmarsiiyaha ugu wayn  ee Farmajo doonayay inuu shirka ku fashiliyo.  Farmajo wuxu khilafkan dhan ku soo kobbaxy arinta gedo oo ah gobolka uu ka soo jeedo taaina mahayn wax laga sugayay.

Madaxeynaha Farmajo oo ku fashilmay inuu keeno jawi lagu dhamayn karo arimaha khilaafku ka taagan yahay wuxu markiiba ku soo laabtay muqdisho isagoo khudbo u jeediyay xildhibaanada labada aqal isagoo dhaliilo iyo khudbo sasabasho ah u jeediyay goleyaasha.

Wuxuu dhaliisha dhan saaray labada madaxweyne ee Puntiland iyo Jubaland isagoo sheegay inuu mar walba isaga tanaasul sameeyay, hadii taas jirto wax walbo waxy dhamaan lahaayeen.

Dhinaca kale xildhibaan mahad salaad oo bartisa facebook ku soo qoray qoraal uu kaga hadlayo arinta ku saabsan fashilka shirka ayaa qoralkiisa ku yidhi

“Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Hasha maqaarka diideysa meelo daldaloolay ka daydaa. “Gudoomiye ka socda Jubaland tagi maayo Garbahaarey” wax lala soo shir tagi karo maahan ee Farmaajo wuxuu raadinayay marmarsiiyo uu shirka Dhuusamareeb 4 ku burburiyo. Waana wax laga xumaado in Farmaajo Galmudug magaca uga dheelo, mar labaadna uu fashiliyo gogashii Galmudug dhigtay sidii horay u dhacday shirkii Dhuusamareeb 3.

MW Ahmed Madoobe, Deni iyo Qoorqoor xalay anagaa aragnay waxa kaliya ee Axmed ku dheganaana waxay ahayd Gudoomiyaha Degmada halagu celiyo Garbahaarey si gudiga ay ugu suurogasho in ay meesha tagaan, doorashana u qabtaan. Farmaajo waxa uu rabana waraaqdaan haku qorto. Halka Farmaajo warkiisu ahaa Axmed Madoobe iyo maamulkiisa Beesheydu waa diiday in ay maamulaan!

Marka waxaa in la iswaydiiyo mudan Madaxweynuhu ma afhayeenka Beeshiisaa mise waa Madaxweyne Soomaaliyeed oo loo wada simanyahay, dalka iyo dadkana mas’uuliyad ka wada saarantahay. WALLEE MIDKAANI WAA HABAAR QABE LAGU SIRMAY!”

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?