Farmajo waa Madaxweyne aan Sharci ahayn oo dalka Qasaya.

 


Sidaan wada ognahay mudo xileedka madaxweynaha Somalia waa 4 sano, madaxweyne kastena waxa waajib ku eh inuu doorasho diyaariyo marka 4taa sano dhamaadaan sida sharcigu dhigayo. Mudo xileedkii madaxweyne Farmajo wuxu sharci ahaan dhamaaday 7 Febrayo, 8 febrayo waxey ahayd in dalka doorasho lagu wada qanacsanayahy ka dhacdo. Nasiib daro taas ma sameyn madaxweynihii la doortay waxaanu ku guuldaraystay inuu wadanka doorasho ka qabto.

Taas bedelkeedda Farmajo iyo kooxdiisa waxey bilaaween inay musuq iyo sharci daro sameeyaan waxayna soo magacaabeen gudi doorasho oo murankeedu ilaa maanta taaganayahay. Intaan gudida la magacaabin waxa xilka laga qaaday raysal wasaare Khayre oo ka soo horjeestay in mudo kordhin loo sameeyo madaxweyne Farmajo, taasina waxay sababtay in kalsoonii shacabka lumiso dawlada Nabad iyio Nolol. Doorasho la qaban maayo macnaheedu waa sharci ma jiro, waxana soo baxday in Farmaajo kaliya kursiga inuu markale qabto balse aanu wax tixgalin ah siinayn dastuurka iyo rabitaanka dadka.

Sida laga fahmi karo wixii dhacay 19 Febraayo waxa muuqato in madaxweynii hore Farmajo khalaf ka fahmay xukunka uu doonayo inuu hub iyo cabsi galin ku haysto dalka isagoo bulshada iyo madaxda mucaaridka u adeegsanaya ciidamda dawlada ee logu talagalay in dalka ka xoreeyaan cadawga oo amaanka bulshada sugaan.   Sida mucaridku qabaan dawlada hada jirtaa waa mid sharci daro ah, waxaana lagu tilmaami karaa dawlad aan sharci ahayn oo ku meel gaar ah, oo dalka sharci daro ku fadhida.

Sida uu sheegay hogaamiyaha Xisbiga wada jir Cabdiraxmaan Abdishakur Farmajo waxa uu u dhaqmayaa sidii dictator oo kale ama kalidii taliye marka la eego ficilada foosha xun ee uu ka sameeyay Somalia mudadii uu xilka hayay. Shacabka waxa loo adeegsaday xabad, waxa la laayay dhalinyaradii ilaalada u ahayd Cabdiraxman Cabdi shakuur taasi oo ah astaamaha kalitalisnimada.  Dad badani waxey aaminsanyihiin in Farmajo yahay kali taliye sidii Siyaad Bare, waayo waxa xukuumadiisu dishay dad shacab ah iyo ilaaladii qaar ka mid ah madaxda xisbiyada.

Sida uu sheegay Madaxweynaha Puntiland Siciid Deni Farmajo maahan qof la aamini karo, dalkana wuxuu galiyay fawdo siyaasadeed iyo kala qaybin, wuxuu rabaa inuu Gobolka Gedo ka gooyo Puntiland iyo in beelaha dalka uu kala qaybiyo siuu u helo qaar isaga raacsan. Dhanka kale waxa soo baxayso in Farmaajo  si gaar ah u beegsanayo siyaasiyiinta Mucaaridka iyadoo loo diiday inay mudaharaad salmi ah sameeyaan sidii dhacday 19 Febraayo.

Somalia xiligaan waxey u baahantahay in laga badbaadiyo gacanta Farmaajo oo dalku hello hogaamiye ka saara xaalada siyaasadeed ee qasan si loo gaadho yoolka siyaasadeed ee dalka ee xiliga fog.  Marka xaqiiqada laga hadlo Farmajo isaga ayaa ka masuul eh wax aka dhacaya Somalia, isagaana laga rabaa xal hadii uu rabo inuu dalka badbaadiyo.

Shacabku waxey muujiyeen dareenkooda iyagoo leh Farmajo ha dhaco, ha ka tago kursiga, dooni mayno farmajo iyo erayo kale, isla markaana ku dhawaqaya Farmajo waa tuug siyaasadeed ee ha tago.  Shacabku waxey u baahanyihiin dawlad masuuliyadooda qaada ee uma baahna madaxweyne sharciga boobaya oo dalka qalqal galinaya.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?