Golaha Amaanka qaramada midoobay oo Bayaanka soo saaray Muranka Arimaha doorashooyinka Somalia

 


Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa hogaamiyaasha Soomaaliya ugu baaqay in ay si dhaqso leh dib ugu bilaabaan wada hadalada si loo diyaariyo doorashooyin cusub, iyagoo rajeynaya in la xaliyo khilaafka ka taagan arimaha doorashooyinka, isla markaana loo xaliyo qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ragaadiyay. Golaha amaanku wuxu soo jeediyay in dhinacyadu muujiyaan masuuliyad si loo qabto doorasho lagu wada qanacsanyahay

Taniyo sanadkii hore dhamaadkiisii waxa taagnaa muran ku saabsan arimaha doorashooyinkaas, kaas oo u dhexeeyey dawlada dhexe iyo maamul goboleedada.  Khilaafkan oo salka ku haya xubnaha gudiyada doorashooyinka waxa sal u ahaa maroorsiga xukuumada Farmajo ee ay ku magacawday gudiyo aan dhexdhexaad ahayn oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamda iyo shaqaalaha dawlada, waxa kale oo sii xumeeyayay xaalada xildhibaanada gobolka gedo iyo gudiyada gobolada woqooyi.

 

Hadaba, Bayaan ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen, 15-ka wadan ee Golaha Amnigu waxay ka codsadeen Soomaalida inay "si deg-deg ah dib ugu bilaabaan wadahadalkooda oo ay u wada shaqeeyaan, iyagoo eegaya danaha dadka Soomaaliyeed." Waxaana walaac dunidu ka muujisay in firaaqo dastuur dhacdo maadaama oo madaxweyne Farmajo mudo xileedkisii dhamaaday, taasina uu sababteeda lahaa maadama oo diyaarin waayay qorshe doorashadu xiligeeda ku dhici karto.

 

Bayaanka ayaa ku dhiiri galiyay hogaamiyaasha in "ay gaaraan heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan qabanqaabada qabashada doorashooyin loo dhan yahay iyadoo la doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto.; waxaana lagaga digay inay dawladu  la imaan waydo qorshe lagu gaadhayo doorasho xili dhaw ah.

 

Dhinaca kale, Britain ayaa ku baaqday kulanka albaabada uxiran maalin kadib markii dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo dowladaha federaalka ay ka baaqdeen waqtigii loogu talagalay ee ahaa in lagu sii wado codeynta doorashada madaxweynaha xiga. Waxaana muuqata inaan wali dawladu la imaan tanaasul iyo debecsanaan.

 

Isqabqabsiga dartiis, mucaaradka ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn awoodda madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Maxamed, taas oo sii murjineysa dhibaatada ka jirta qaran wajahaya kacdoono islaami ah oo rabshado wata, duulaan ayax ah iyo cunno yari ba'an. Bayaan ay soo saareena waxay ku sheegeen in loo baahanyahay in la sameeyo gole qaran oo ay ku jiraan hayadaha qaranka si loo gaadho doorasho.

Beesha caalamku waxay isha ku haysaa khilaafka siyaasadeed ee Somalia maadaama oo xiligan lagu jiro wakhti adag, doorashadiina fashilantay.  afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykank Ned Price wuxuu ka digay in dib u dhaca ku yimid jidwalkii doorashada  "ay kordhinayso oo keliya halista xasilooni darrada." Taasi oo keeni karta in wadanku khalkhal amni galo.

 

"In kasta oo tani ay tahay arrin ay Soomaalidu xallinayso, haddana Mareykanka wuxuu u arkaa doorashooyinka deg-degga ah inay muhiim u yihiin mustaqbalka Soomaaliya. Is-afgarad waa la gaari karaa," ayuu yiri Price oo la hadlay wariyeyaasha.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?