Golaha Midawga Musharaxiinta oo sheegay inaanay Aqbalayn Muddo Karin.
Midawga musharaxiinta ayaayaa qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen in loo bahanyahay in shirka dhuusamareeb noqdo mid loo dhanyahay oo si wada jir ah loogu xalinayo arimaha doorashooyinka ee khilaafku ka taaganyahay dhinacayudna noqdaan kuwa wada ogol wax aka soo baxaya
Bayaanka ka soo baxay golaha waxa lagu sheegay inaan shirka loo dhamayn balse ay soo dhawaynayaan wixii ka soo baxa hadii ay noqdan aragti lagu wada qanci karo waxy sheegeen inaan saamilaydii siyaasadu u dhamayn shirka.
Goluhu wuxu walaac ka muujiyay khatarta alshabab iyo qaraxyada joogtada ah ee sii badanaya iyagoo dowlada ku eedeeyay inaanay xil iska saarin amaanka qaranka ooy ku mashquushy doorasho. Waxaanay ka digeen inaany ogolaan doonin in xukuumada wakhtigeedi dhamaatay dalka xukunto
Dhinaca kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka ayaa maanta si adag uga hadlay shirk aka socda Dhuusamareeb iyo xaalada guud ee dalku marayo. Shariif wuxuu sheegay in dalku xiligan marayo meel xasaasi ah oo loo baahnaa inay diyaar ahaato doorashada waxanu sheegay iney nasiib daro tahay in xiligaan mudadii dhamaatay aan doorashadii loo diyaar garoobin. Sheekh Shariif waxuu wacad ku maray inaan madaxda mucaaridu marnaba aqabalayn in doorashada muddo kordhikn loo sameeyo.
Shirka oo wali ka soo bixin qodobada hadana wax muuqata in aan xiligaan Farmajo diyaar u ehayn inuu la yimado jawi lagu xalinayo arimaha taagan.

Comments
Post a Comment