GOLAHA MUSHARAXIINTA OO SHAACIYAY INAANAY FARMAAJO U AQOONSANAYN MADAXWEYNE
Maanta taariikhdu waa 8 Febrayo, waxay ku baagentahay 4 sano ka hor maalintii la doortay. Maanta waxa dhamayday xasanadii madaxweyne farmajo mucaridkuna waxay sheegeen inaanay maanta laga bilaabo u aqoonsanayn madaxweynaha jamuuriyada federalka Somalia.
War saxaafadeed ay soo saareen midawga musharxiinta ayaa sheegay inaanay maanta laga bilaabo inaany u aqoonsanayn madaxweyne waxaanay ku baaqeen in la dhiso gole qaran oo ku jiraan labada gudoomiye ee labada aqal si wadanka looga bixiyo xaalada adage e uu hada ku suganyahay. Waxa lagu yiri bayaanka “Laga bilaabo 8 February 2021 Golaha Midowga Musharaxiinta uma aqoonsana Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Goluhu wuxuu ka soo horjeedaa muddo kororsi”
Farmajo wuxu dalka hogaaminayay mudo 4 sano ah waxanu ku guuldaraystay inuu la yimaado qorshe dalka loogu qabanayo doorasho xor iyo xalaal ah, taasina waxey keentay in wakhtigii ka dhamaado isaga oo aan wax doorasho ah qaban, dalkana u samayn habraac sharci oo lagaga bixi karo xaalada imika taagan.
Dhianca kale midawga musharaxiintu waxay ka digeen in mudo kordhin loo sameeyo madaxweynaha aan xasaanada lahayn ee wakhtigiisii dhamaaday. Waxanaysheegee inaany dulqaad danbe u lahay caburin, iyo in cadaadis la saaro si doorashadu dib ugu dhaco. Mdiawgu waxay ku baaqeen in gudoomiyaha golaha shacabka kulan isugu yeero madaxda dawlad goboleedada gudoomiyeyaasha labada aqal, bulshada rayidka ah iyo golaha midawga musharaixinta si dalka looga saaro xaaladan
Sidoo kale Xasan sheikh Maxamud ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday in uu dalka galiyay xaalad hubaal la’aan ah. Wuxuu yiri “Waa xaqiiqo aan la jecleyn in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka balse, Soomaaliya waxay leedahay shacab iyo haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni iyo aragti wadaag”
Goluhu wuxu ugu baaqay Farmajo inuu sharaciga ilaaliyo oo xilka baneeyo maadaama oo wakthgiisii dhamaaday.
Si kastaba ha noqotee Waxala filan karaa in baarlamaaanku samaynayaan mudo kordhin balse mnidawga mucaaridku arintaas way ka soo horjeedeen mana aqbalayaan sida ay ku sheegeen bayaanka ay soo saareen.

Comments
Post a Comment