Madaxweynaha Puntiland Deni oo diiday in Garowe lagu qabto Shirka Arimaha Doorashooyinka.

 


Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland ayaa markale ku celisay in shirka uu iclaamiyay dhowaan Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ee Muqdisho. Madaxweyne dani ayaa soo dhaweeeyay shirka  ayaa hadana ka cudur daartay in shirka lagu qabto magaalada Garowe taasi oo Farmajo shaaciyay in lagu qabto caasimada Garowe ee Puntiland.

Todobaadkii hore ayay madaxweynaha Puntiland sheegay inaanay Farmajo u aqoonsanayn madaxweynaha dawlada Federaalka ah maadaama oo wakhtigiisii dhamaada, deni iyo Axmed Madoobe ayaa ah labada hogaamiye ee uu Farmajo mari waayay si uu u fushado doorashada uu doonayo ee isagu is leekaysiiyay.

 

Madaxweyne dani oo arimah doorashooyinka ka hadlayay ayaa yiri ” Puntland marwalba kaalin muhim ah ayey ka qaadanaysa sidii dalku uga gudbi lahaa marxaladda uu ku jiro, waxayna soo jeedisay in ay muhim tahay in dhakhso shir la isugu yimaado oo lagu qabto Muqdisho madaama Hay’adda Dastuuriga ah ee DFS wakhtigoodu dhammaaday, Shirkuna u baahanyahay wakhti badan in la geliyo, Saamileyda Siyaasadda, Beesha Caalamka iyo dhammaan dhinacyada ay khuseysona ay halkaasi wada joogaan.” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

 

Beesha caalamka iyo Maraykanka ayaa si wada jir ah uga digay in markale wakhtiga lagu lumiyo muran kale si taas looga gudbo waxey ku baaqeen in shir degdega  la isugu yimaado oo horey loo sii codso si doorashoo loo qabto. In kasta oo hogaamiyeyaasha maamulada iyo gudoomiyaha aqalka sareba soo dhaweeyeen shirka lagu baaqay in Garawe lagu qabto 15 bisha, hadana waxa muuqato in Farmajo ka caga jiidayo in doorasho wakhtigeedi lagu qabto si uu mudo kordhin u helo.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?