Madaxweynaha Puntiland oo Sheegay inaan la aamini Karin Farmajo.

 


Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo madasha furan ee PDRC kula hadlay siyaasiyiinta iyo  qaybo ka mid ah bulshada ayaa ka hadlay arimo xasaasi ah iyo xogo qarsoonaa oo ku saabsan mu’aamaradaha Farmaajo doonayay inuu dalka ku qabsado.  Deni wuxuu ka hadlay sababaha ay u fashilmeen shirarkii dib u heshiisiiyinta, iyo dib u dhaca doorashooyinka. Waxa uu si gaar ah u tilmaamay in Farmaajo doonayay inuu kala Jaro Jubaladand oo Gobolka Gedo noqdo mid ka madax banaan Jubaland taasoo cadaynaysa inuu difaacayo dantii reerka uu ka soo jeeda oo dega gobolkan.

Madaxweyne Deni waxa uu ku eedeeyay Farmajo oo hada ah madaxweyne aan sharci ahayn sida mucaaridku aaminsanyihiin in aan la aamini Karin dalkana uu galiyay xaalad qas ah. Waxa uu si gaar ah uga hadlay wixii dhacay 19 Febraayo halkaas oo dawladu si foolxun ugu xabadaysay shacabka iyo hogaamiyayaasha mucaaridka oo si nabad ah u mudaharaadayay. waxa uu muujiyey walaac xooggan ee keeni kara in dagaal sokeeye uu u horseedo Farmaajo Soomaaliya haddii aan cashar laga qaadin wixii dhacay siddeetamaadkii.

 

Xogaha xasaasiga ah ee Deni soo bandhigay wax aka mid ahaa in Farmaajo ka cadhooday kulankii dhex maray Deni iyo madaxweynaha Jubaland iyo oday dhaqameedka beesha Hawiye isagoo si cad ugu sheegay in aanay ahayn in ay la kulmaan maadaama oo uu isagu casuumay.  Waxa uu yiri “Markii aan Xamar tagnay wuxuu Farmaajo nagu qabsaday aniga iyo Axmed Madoobe maxaad ula kulanteen siyaasiyiinta iyo odayaasha Hawiye, anigaa idiin casuumay, haddaanu imid caasimadii dalka, oo weliba ha la is xantee qabaa’ilka Hawiye xuduntiisa tahay, ma waxaa leedahay ha arkinina, oo ha-kala xaajoojina xalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed aanu kala irdhoobin, waxaan iri taasi suuragal ma ahan,”

 

SIciid Deni madaxweynaha Puntiland waxa kale oo uu ku eedeeyay xukumada Farmaajo ee aan sharciga ahayn inay faragalin qaawan ku samayay dhisidda maamul goboleedada qaar ka mid ah gaar ahaan maamulada Koonfur galbeed iyo Galmudug. Waxaanu tilmaamay in dhiig ku daatay dawladuna mar walba doonaysay inay iyadu noqoto ta ku gacan saraysa maamul kasta oo la dhisayo.

 

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale is barbar dhigay Alshabaab iyo madaxweynaha hada taladiisii dhamatay ee Farmaajo isagoo ku eedeeyay in sida Alshabaab looga baqayo vila Somaliyana looga baqayo. Isagoo arintaas ka hadlaya wuxuu yiri “Al-Shabaab miyaan ka baqnaa mise Villa Somalia, sababtoo ah waxyaabaha ay adeegsanayaan wax farqi ah uma dhaxeeyaan, mar walbana khatar ayaan ku jirnaa,”

 

Si kastaba ha  noqotee madaxweyne Deni waxa uu soo bandhigay damaca qaawan ee madaxweynaha aan sharciga ah ee Farmaajo ku doonayay in uu dalka ku kala qaybiyo. Waxa kaloo laga fahmi karaa khudbada madaxweyne Deni in Farmajo doonayo inuu sabab kasta markale ku qabsado kursiga dalka u sareeyo marka la eego wixii dhacay 19 Febraayo, taasoo tilmaamaysa inaanu Farmaajo diyaar u ahay in uu doorasho markale dalka qabto.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?