MIDAWGA MUSHARAXIINTA OO KU BAAQAY MUDAHARAAD KA DHAN AH FARMAAJO.

 


Gudoomiyaha midawga Musharaxiinta ahna musharax madaxweyne  oo u taagan doorashada 2021 Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa eedo culus u jeediyay madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday ee Farmaajo. Shariif waxuu sheegay inuu mudo lix bari ah ku fadhiyo sharci daro madaxweynihii hore mudane Farmaajo, isla markaasne aanay muuqaan jawi lagu qabanqabinayo doorasho la qabto

Gudoomiyaha golaha musharaxiinta ayaa mtaan sheegay in loo baahanyahay in dadku isugu yimaadaan mudaharaad lagu dalbanayo in Farmajo xilka baneeyo dalka doorasho loo raadiyo. Waxaanu ku dhawaaqay in loo baahan yahay in dalka ka dhacaan banaanbax nabadeed oo shacabka ku dalbanayaan doorasho lagu wada qanacsanyahay si loo hor istaago damaca Farmaajo.

Madaxweynihii hore Sheekh shariif waxuu sheegay in loo baahnaa in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo si dalka looga badbaadiyo dib u dhac, taasina aanay suuro galin, waxa kale uu sheegay in  xiligaan  muuqan ififaalo ku aadan in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, isla markaana loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay isku tashadaan oo fikirkooda iyo doonitaankooda banaanbax ku muujiyaan. Mudane shariif waxa kale uu sheegay in qaar ka mid ah madaxda dawlad goboleedadu aanay diyaar u ahayn doorasho wadanka ka dhacda si looga baxo marxaladan adage e hada lagu jiro.

Sidoo kael  gudoomiyaha xisbiga Wadajira  Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isaguna kamid ah musharaxiinta ku bahoobay Golaha Mucaaradka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in banaanbaxa uu ku dhawaaqay Sheekh Shariif uu dhici doono maalinta Jimcaha oo taariikhdu ku beegan tahay 19-ka Febraayo 2021 si dadku u muujiyaan dareenkooda ah ineey ka soo horjeedaan xukummada farmaajo ee fashilantay.

Abdiraxmaan Abdishakur wuxu sii raaciyay in banaanbaxaas uu ka dhici doono Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, kaasi oo lagu dalbanayo in dalka uu si dhaqso ah ku aado doorasho, isla markaana laga wada-shaqeeyo arrimaha ku hor gudban doorashada.

Dhinaca kale waxa sii kordhaya falalka amni darada ah ee dadka shacabka ah iyadoo ay jiraan dilal kala duwan oo gaystay dumar iyo hooyoyin saacadiihii la soo dhaafay, iyadoo sidoo kale shacabku ka canayaan wadooyin xiran.

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?