Midawga musharaxiinta oo Xukuumada aan sharciga ahayn ee Farmajo uga digay inay hor istaagto Mudaharaadka Jimcaha.
Kulan ay iskugu yimaadeen midawga Musharaxiinta ayay markale uga digeen xukuumada wakhtigeedii dhacay inay hor istaagto banaanbaxa jimcaha dhacaya. Sida uu sheegay afhayeen Midawga musharaxiinta Dahir Maxamud Gele ayaa sheegay in ay markale jimcaha qaban doonaa banaabax balaadhan oo lagaga soo horjeede madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday ee Farmaajo, waxaanu uga digay in markale xukuumada Farmaajo samayso falkii fooshaxumaa ee ay samayay 19 Febrayo.
Taniyo markii xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ee Farmajo hor istaagtay mudaharaadkii lagaga soo horjeeday madaxweynaha aan sharciga ahayn ee Farmajo 19 Febrayo waxa soo baxayay dhaleecayn loo soo jeediyay falalka kalitalisnimada ah ee farmajo ku kacayo. Midawga musharaxiinta iyo taageerayaashoodu waxay si nabad ah isugu soo baxeen barxadaha muqdisho si ay dareenkooda u mujiyaan dareenkooda iyo inay ka soo horjeedaan madaxweynaha aan sharciga ahayn ee Farmajo.
Falalkii dhacay 19 Febrayo waxay ahayeen tacadi, cabburin iyo kalitalisnimo Farmajo ku doonayo inuu ku aamusiiyo dadka shacabka ah ee ka soo horjeeda xukunkiisa fashilka ah. Dadku waxay ka soo horjeedaan Farmajo, waxaanay dalbanayaan doorasho degdeg ah, si wadanka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo dagaal sokeeye.
Hadaba midawga musahraxiinta ayaa balanqaaday inay sii wadayaan banaabaxyada lagu dalbanayo in Farmajo xilka iskaga tago ama doorasho qabto, Midawgu waxay markale ku baaqeen inay qaban doonaan banaanbax balaaran oo lagaga soo horjeedo kalitalisnimada iyo cabudhinta farmajo laguna dalbanayo in doorasho degdeg ah wadanka laga qabto.
Afhayeenka midawga musahraxiinta Mudane Dahir Geele waxuu yiri isagoo arintaas ka hadlaya “In nala qasbo ayaa diidnay Soomaali haddaan nahay hadda ka hor, hadana ma aqbali karno, taas nuxurkeeda waxaa kala jeednay maalin dhoweyd markii bannaan baxa nabadeed aan qabaneynay isbaaro ayaa naloo dhigtay, isbaaro iyo argagixiso looma hoggaansamo waa laga horyimaadaa sidaas darteed waxaa go’aansananay maalinta jimcaha ee soo socota waxaa rabnaa inaan mudahaaraadkii nabadeed inaan qabno waxaa rabnaa in laga waantoobo isbaaradii loo dhigan jiray la ogaado isbaaro iyo argagixiso looma hoggaansamo waa laga diidaa, culeys ayuu leeyahay, laakiin haddii la iska dhaafo waxa idinku dhacayo ayaa ka badan waa gumoobeysaan, mana rabno Soomaali inay gumowdo dadka inaan waxaan inaan barno yeel oo sharci darro ah maya oo sharci ah inay ka horgeeyaan.”
Dhinaca sida wararku sheegayaan waxa fashilmay dedaalo lagu donayay in la isugu soo dhaweeyo mucaaridka iyo dawladu, iyagoo mucaaridku diiday inay baajiyaan Banaanbaxyada. Dowlada ayaa dalbtay in mucaaridku baajiyaan banaanbaxyada ay ku balan qaadeen balse mucaaridka ayaa shuruuc ku xidhay arintaas. Waxaanay dawlada ka dalbadeen inay raaligalin ka bixiso wixii dhacay 19 Febrayo masuuliyada wixii halkaas ka dhacayna qaadat.
Wararku waxay intaas ku darayaan in xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ee Farmajo diiday arintaas, taasina ay keentay inuu fashilmo kulamada isu soo dhawayntu. Si kastabe ha noqotee waxa soo muuqanaya awooda mucaaridka iyo shacabka oo dalbanaya in Farmajo xilka baneeyo ama doorasho qabto maadaama oo uu yahay madaxweyne ku meel gaar ah oo aan wax xasaanad ah lahayn, wakhtigan sida ay sheegeen mucaaridku.

Comments
Post a Comment