MUCARIDKA OO MUDAHARAAD ICLAAMIYAY IYO XAALADA GUUD EE DALKA.
Laga soo bilaabo markay dhamatay mudo xileedkii madaxweyne Farmajo oo ku ekaayd 8 Febraayo waxa soo baxay baaqyo iyo culayso siyaasadeed oo Farmaajo lagu saarayo inuu xilka iska baneeyo haduusan doorasho qabanayn, beesha caalamka, xisbiyada mucaaridka iyo dhamaan daneeyayaasha caalamku waxey ku baaqeen in dawladu la timado tanasul dhab ah oo lagu doonayo in xal waara lagaga gaaro arinta doorashooyinka ee khilaafku ka taaganyahay.
Xaalada guud ee wadanku waxey umuuqataa mid aan la hubin, dawladana ma muujin jawi ay doorasho ku qabanayso sida mucaaridku sheegeen. Waxa markale baaqday shirkii madaxda maamul goboleedada iyo dawlada dhexe oo loo balansanaay 15 bishii, taasi oo keentay walaac cusub oo laga qabo in dawladu daacad ka tahay wada hadalada lagu hirgalinayo doorasho lagu wada qanacsayahay.
Mucaridku waxay ku baaqeen in madaxweynaha mudo xileedkiisii dhamaaday isla markaana uu sharci daro ku fadhiyo kursiga, loona baahaynayay in banaanbax la isugu yimaado dhamaan dalka. Madaxda xisbiyada mucaaridku waxey ku baaqeen in bulshadu banaan ka dhigaan caasimada iyo dalkaba kaasi oo laga soo horjeedo xukunka Farmaajo.
Waxa jira walaac laga qabo xaalada amaan e dalka madaama oo ay soo badanayaan qaraxyada iyo dhibaatada dilalka u badan ee shacabku la kulmayaan xiligaan xasaasiga ah oo dawladuna aanay ahimiyad siin badbaadinta shacabka.
Gudoomiyaha xisbiga wada jir Cabdiraxman Cabdi shakuur ayaa muqal uu soo duubay ku booriyay shacabka inmaalinta jimcaha laysugu yimaado banaan bax magaalada Muqdisho, banaan baxaas oo lagu dalbanayo in madaxweyni hore Farmajo xilka isaga tago maadaama mudo xileedkisi dhamaada, hadana uusan u muuqan mid doorasho qabanaya.
“Waxaan ugu baaqeynaa shacbka Muqdisho inay ka soo qeybgalaan banaanbax lagu doonayo xuquuqda shacabka oo ah in aan kalitalis dalku xukumin.” ayuu yiri Cabdiraxman cabdishakuur.
Comments
Post a Comment