MUDAHARAD LAGAGA SOO HORJEEDO FARMAJO OO XAMAR KA DHACAY
Salasa 09,02,2021. Wararka laga helayo caasimada muqdisho ayaa sheegaya inay ka dhaceen mudaharaado lagaga soo horjeedo madaxweyne farmajo oo xiligiisii dhamaaday, dadka isu soo baxay ayaa muujinayay dareenkooda iyagoo dalbanaya in Farmajo kursiga baneeyo maadaama oo xiligiisii dhamaaday isla markaana sharciga ilaaliyo, bulshadu waxey dalbanaysa in gabi ahaanba meesha ka baxdo xukuumada ku fashilantay inay wadanka ka qabato doorashoo xiligeedii ku dhacda.
Bulshadu waxey ka daashay xukunka Farmajo iyo balanqaadkii beenoowbay ee 2017 markii la doortay , bulshadu xiligan waxey u baahantahay islbedel dhab ah oo noloshooda wax ka bedela maadaama oo lagu hungoobay xukuumadii Nabad iyo Nolol ee Farmajo hogaaminayay mudada 4ta sano ah.
Dhinaca kale midawga musharaxiinta ayaa kulan la yeelanya xildhibaanda labada aqal oo ay ka wada hadlayaan sidii loo heli xal ee looga bixi lahaay xiligan adag. Kulanka waxa laga hadlaya xaalada guud ee dalka iyo kulan maalinta beri ah uu raysal wasaare Khayre ku tegi doono golaha baarlamaanka.
Sida wararku sheegayaan goluhu waxy ka arinsanayaan sidii looga hortagi lahaa qorshe uu wado raysal Wasaare Rooble kaas oo ah in uu mudo kordhin ka dalbado golaha shacabka, taasoo horey ay uga digeen midawga mucaaridku.
Dhanka kale Wakiilka Arrimaha Dibbada Midowga Yurub Josep Borrel ayaa bayaan uu soo saaray uga digay madaxda dawlada inay qabagto doorasho aan lagu heshiiin, wakilku wuxu ka digay mudo kororsi aan farsamo iyo daruuri ahayn. “Heshiis la’aanta in la qabto doorasho ka dhacda Soomaaliya waa mid aad u culus oo aan dan ugu jirin muwaadiniinta Soomaaliyeed. Ayuu yiri Josep.
Si kastaba ha noqotee Farmajo wax aka dhamaaday mudadii sharciga ahayd, mucaaridkuna waxay ku doodayaan inuu sharci daro ku fadhiyo kursiga dalka u sareeya isla markaana loo baahanyahay in la sameeyo gole qaran oo loo dhanyahay si looga baxo qalalaasaha siyaasadeed ee hada wadanka ka taaga.

Comments
Post a Comment