MUDO XILEEDKA FARMAJO OO HAL MAALIN KA HARTAY IYO MARMARSIIYAHA KHUDBADIISA.
Hal maalin ayaa ka hartay mudo xileedka farmaajo walina waxa taagan khilaafka arina doorashada oon xal laga gaarin, farmajo waxu shalay qud bad oo isaga fogaynayo fashilka ku dhacay shirkii dhuusamareeb u jeediyay xildhibaanada baarlamaanka, khudbadaas waxay dadku u arkayeen mid uu kaga baxsanayo fashilka ku siyaasada farmajo iyo shirkii dhuusamareeb oo famajo fashiliayay.
Muda xileedka farmajo oo dhamaday lamana saadaalin karo sida uu noqon doono xaalkau waxa kaliya la rajaynayaa in mudo Kadhin loo sameeyo madaxweyne Farmajo oo ujeedadiisa kaliya ahayd inuu helo mudo kardhin. Filashadu waxy ka muuqatay gudoomiyaha Aqalka sare oo shalay si la fahmi karo u sheegay ineey macquul noqon karto mudo kordhin.
Sida wararku sheegayaan waxa kulankii shalay loo diiday inay ka soo qayb galaan xildhibaanada aqalka sare marka laga reebo koox kooban oo madaxweynaha taageersan.
Dhinac kale waxa sii kordhaysa xaalada amaan xumada caasimada iyo meelo badan oo dalka ah, kooxaha xagjirka waxy fuliyeen qaraxyo ay ka gaysteen huteelo ku yaala muqdisho u danbeeyay qaraxii lagu dilay General Galal taasina waxay kor u sii qaaday cabsida laga qabo in amanku sii xumaado maadama oon dawladu xil iska saarin shacabka maalin walba ku dhimanaya qaraxyada.
Madaxweyne Farmajo oo hal maalin u hartay wuxu doonaya inuu markala kursiga ku fariisto balse nasiib daro ma diyaarin qaabkii uuu kursiga ugu laaban lahaay, kaliya wuxu sameeyay sharci jabin iyo muran siyaasi ah oo aan dhamaad lahayn.
Khilaafka ka dhexeeye dawlada dhexe iyo labada maamul ee Jubaland iyo Puntiland wuxu ka dhigtay farsamo uu ku dib dhigo doorashada. Axmed madobe oo ka hadlayay fashilka ku yimi shirkii Dhuusamareeb wuxu yiri
“Madaxweynuhu wuxuu isku soo koobay sheegasho hal gobol iyo hal degmo oo Soomaaliya ka mid ah, oo degmo ka mid ah Gobolka Gedo oo kuraas ay taallo uu yiraahdo aniga un baa ka talinaya, haddaba Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday sidee buu Soomaaliya u xukumi karaa hadduu hal degmo sheegtay oo yiri annaa leh, anaa ka soo jeeda oo reerkeyga dega, anaa maamulaya oo doorashadeeda maamulaya, suurta gal miyay noqoneysaa Madaxweynuhu in Soomaaliyada kale oo dhan inuu isaga mas’uul ka noqdo oo yiraahdo anaa Madaxweyne ka ah, deegaan heerkaas la eg uu ku kooban yahay wax dhici kara maaha, waa Nasiib darro”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
Wuxu ku daray “Farmaajo afar sano wadankaan aan arkay isagu ma maamuleen ee yaa maamulayay, waxaan diyaar u ah wax kasto xal lagu heli karo, waxaan ka xumahay dagaalka ka socdo gobolka Gedo.”
Si kastaba ha noqotee waxa su’aal ka taagantahay halka loo dhaafayo maalinta u dhamaado xilka Farmajo.

Comments
Post a Comment