MUQDISHO: QARAX KA DHACAY HUTEL AFRIK IYO AMAANKA OO HALIS KU JIRA.

 


Qarax shalay galab ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Afrik waxa ku dhintay dad badan oo ka mid yihiin masuuliyiin iyo dad shacab eh. Weerarka lagu qaaday Hutel Afrika waxuu ahaay qarax ay gaysteen kooxo hubaysan ka dibna gudaha u galay hotelka. Dadka halkaasi ku dhintay wax aka mid ahaa General Maxamed nur Galal oo ka mid aha saraakiishii ciidamadii Somalia ee dawladii Kacaanka.

Dhinaca kale waxa jira dagaalo beeleedyo laga soo sheegayo gobolka Galduduud gaar ahaan deegaanka Xananbuure, dagaalkaas oo u dheexeeyo beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega. Dagaalka oo maalmo socday waxa ku dhintay dad shacab. Ugu yaraan 9 qof ayaa ku dhintay dagaalka halka dhaawacyaduna badanyhiin.

Dhinaca kale wax jiro khilaafka la xiriira arimaha doorashooyinka oo wlai la xalin. Beesha caalamku waxay soo jedisay in xukuumadu la timaado tanaasuli oo shir degdega lagu qabto dhuusamareeb si arintaan xal looga gaaro, xukuumada farmaajo oo mudo afar sano ah ku fashilantay dalka waxey wali diyaar u tahay inay kursiga ku fariiriso Maxmaed Cabdilahi Farmajo oo ku fashilmay hogaaminta dalka.

Qaraxa muqdisho ka dhacay waxa ku dhintay askar, shacab iyo masuliyiin wax aka mid ahaay lamaane aroos ahaa. Si kastaba ha noqotee waxa muuqato in aan farmajo doonayan inuu dalka ka bixiyo xaaladaan kaliya wuxuu olole ugu jiraa inuu kursiga fuulo.

Bishan koowaad ee sanadka waxa la  . waxa walac laga qabaa amaanka guud ee Somalia madama lagu jiro xaalad xasaasi ah dawlada imika joogtana wakhtigeedii sii dhamaanayo, sida ka soo xiganay Ali Aadan Mumin oo ah wariye Somalia ka hawl gala waxa so baxaya digniino lagu sheegayo inay jirin karaan qaraxyo kale oo muqdihso ka dhaca. Xukuumadu waxay ku fashilantay in dadka ka badbaadiso qaraxyada iyo dabargoynta lagu hayo madaxda beelaha dega muqdsho oo beryahan danbo la beegsanayay.

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?