Qarax Khasaare Gaystay oo Ka Dhacay Magalada Muqdisho.

 


Qarax xoogan oo ismiidaamin ah ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan iskgoyska Sayidka oo ah xarun control oolaga ilaaliyo madaxtooyada Somalia, sida dadku maqlayeen qaraxu wuxu ahaay mid xoogan oo laga maqlayay meelo badan oo muqdisho ka mid ah.

Qaraxa waxuu ahaay Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyey gaadiid isdaba socdeay oo marayay kaantaroolka sayidka ee u dhaw xarunta madaxtooyada.  Sida laga soo xigtay dad madasha jooga in gaariga ay xabad ku fureen ciidanka goobtu isago ku socday xawaare ku socday inyar ka dib halkaasi ayuu ku qarxay gaarigaas.

Wararku waxay sheegeyaan inuu jiro Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray dad shacab ah. 

Waxa jira Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa, khasaaraha ayaa  isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan oo ahaa mid ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay,hase yeeshee ma jiro tiro sax ah oo sheegeysa heerka uu gaarsiisan yahay. Dadka qaraxa ku waxyeeloobay  waa dad shacab ah oo saarnaa bajaaj.

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhintay  hal qof oo markii hore ahaay dhaawac  halka dad kalena ku dhaawacmeen khasaare kale oo maal jiro. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta tegay goobta qaraxu ka dhacay, waxaana Sawirro halkaas laga soo qaaday lagu arkayay gaadiid badan oo burbur xoogan soo gaaray iyo Xarumo Ganacsi ah.

Si kastaba ha noqotee qaraxani waxuu ka mid yahay  qaraxyo xiriir ah oo mudooyinkii u danbeeyay lala beegsanayay shacabka somaliyeed iyadoo dawlada somaliyeed iyadoo walaac weeyn laga qabo amanka dalka xili dalku galayo xaalad doorasho ah oo aan wali khilaafka arimaha doorashooyinka laga heshiin.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?