SHIRKII WADATASHIGA EE LOO BALANSANAA 15 BISHA OO MARKALE DIB U DHACAY


Waxa dib u dhac ku yimid shirkii madaxda maamul goboleeda iyo dawlada dhexe ee hogaamiyo madaxweynaha xiligiisii dhamaaday mudane Farmajo, shirka oo loo balansanaa maanta 15/02/2021 ayaa dib u dhacay sababo la xiriira muran ka yimi goobta shirka lagu qabanay.

Markii shirkaan uu ku dhawaaqay madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday farmajo waxa soo baxay khilaaf ku saabsan meesha lagu qabanayo shirkaas, ikasta oo Farmajo sheegay in shirkaas lagu qaban doono magaalada Garowe ee Caasimada Puntiland, waxa arintaas ka hor yimi madaxweynah puntiland oo soo jeediyay in markale Muqdisho lagu qabto shirka.

Shirka waxa loo balansanaa in uu maanta ka dhaco magaalada Garowe balse wararku waxay sheegayaan in shirkaasi dibu u dhacay. Dib u dhaca ayaa waxaa sababay khilaafka ka dhashay, halka lagu qabanayo shirkan, kadib soo jeedin ka dib Jubbaland iyo Puntland oo ku baaqay in Muqdisho laga dhigo balse aan Farmaajo dhegaysan, wali waxa muuqda khilaaf aan jiho lahayn oo sii socda iyadoo wakhtigii beesha caalamku soo jeedisayna gabaabsi yahay .

Raysal wasaare Rooble oo shalay magacaabay gudi Farsamo oo ka kooban 14 xubnood oo isugu jira maamulada, gobolka Banaadir iyo dawlada dhexe, gudidaas oo  gogol xaadh u noqonaysa shirka waxanay sida la sheegay shirk u yeelanayaan magaalada Baydhabo si loo diyaariyo shirka.

Si kastaba ha noqqotee Beesha caalamka ayaa ka digtay inay dib u dhaco shirkan oo loo arkayay inuu noqdii kiii u danbeeyay ee lagu xalinayo arimaha muranku ka taaganyahay ee doorashooyink. Dhanka kale dawladu wali wax war ah kama soo saarin sababaha shirku u baaqday.

Golaha midawga musharaxiinta oo ka soo horjeeda madaxwayne Farmajo ayaa iyaguna ku baaqayn banaanbax lagaga soo horjeedo madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday ee Farmaajo, dhamana arimahani waxey dib u sii ridayaan in doorashadu wakhti kooban ku qabsoonto.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?