XUKUUMADA FARMAAJO OO KA WALAACSAN BANAANBAXA MUCAARIDKU KU BAAQEEN JIMCAHA.
Sida golaha midawga mucaaridku ku baaqeen waxa la filayaa in maalinta jicmaha mudaharaado lagaga soo horjeedo Farmajo lagu qabto magaalada Muqdisho. Mudaharadadan ayaa dawlada ku abuuray walaac wayn oo eey ka qabto in lagu carqaladeeyo xukuumada Farmajo oo wakhtigeedii dhamaaday. Sida midawga musahaxriintu sheegeen mudaharaadakan waxa lagaga soo horjeedaa xukuumada mudo dhaafka ah ee wakhtigeedii dhamaaday 8 Febraayo.
Xukuumadu waxey hore rasaas ugu kala eriday mudaharaadayaal si nabad galyo ah isugu soo baxay magaalada muqdisho kuwaas oo dalbanayay in Farmaajo is casillo maadaama oo ku fashilmay mudo xileedkiisii afarta sano ahay. Xukuumada farmaajo waxay ku guuldaraysatay iney wadanka doorasho lagu wada qanacsanayahay ka qabato, bal iyadaaba khilaafka maanta taagan bilooday, taasina waxey keentay doorashadu xiligeedii ku dhici wayso.
Dawladu si u joojiso mudaharaadka maalinta jimcaha loo balansanyahay waxay sheegtay inay joojisay gabi ahaanba isu imaatinka dadwaynaha, iyadoo ku sababaysay xanuunka Covid 19. Tani waxay u muuqataa hab dawladu kaga baxsanayso mawjadaha mudaharaadka ah ee mucaaridku ku baaqeen laba cisho ka hor iyo abaabulkiisa oo hada socda.
Musharax Cabdikariin H. Guled oo ka hadlayay arintaan ayaa dowlada uga digay ineey siyaasadayso xanuunka Covid 19 ee marka horeba dawladu waxba ka qabanwayday. Isagoo arimahaas ka hadlaya wuxuu yiri “Xaaladda Covid-19 waa mid guud ahaan dadka looga baahan yahay in ay ka taxadaraan, waxaana qabnaa shaki la xiriira in ay Dowladdu siyaasadeyso kiisaska xannuunka iyada oo qorshaheedu yahay in lagu dhaco Doorashooyinka lagu heshiiyay in ay dalka ka dhacaan.
Wuxuu sii raaciyay “Mudaharaadku waa mid dastuuri ah, waxa uu ka dhashay doorashooyinka dalka oo aan qabsoomin, Dowladdu qudheeda waxa ay dadka isugu soo bixisaa marka la taageerayo guulaheeda, halka ay diido kan lagu muujinayo gaabiskeeda, haddaba maxaa xalaaleeyay kan Dowladda oo kan mucaaradka xaaraantimeeyay” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Comments
Post a Comment