Xukuumada Farmajo Waa sharci daro, dalkana waxay ka abuuraysaa Qas siyaasadeed.

 


Xukuumada Farmajo mudo xileedkeedu wuxu ku dhamaanayay 8 Febrayo, taasoo macnahedu yahay waxa u dhamaday mudo afar sano uu wadanka maamulayay marka laga yimado sharcidarada ay xilka ku heeyso xukumada hada ka talisa dalka, waxa aan indhaha laga qarsan karin fashilka siyaasadeed ee ay dalka ka samayaysay. Xukuumada Farmajo waxay ku fashilantay qodobka ugu wayn oo ah inay dalka ka qabato doorasho iyo inay fuliso dhamaan balanqaadadii uu sameeyay markii uu xilka la wareegay.

Dawladu waxa ugu wayn eey ka shaqaysaa waa ilaalinta sharciga, xukuumada Farmajo markiiba waxeey bilowday  sharci jabin, waxey xilkii ka qaaday gudoomihihii Barlamaanka mudane Jawaari, waxay gacanta ku qaadatay hayadihii dawlada, waxa 7 daqiiqo xillka looga qaaday raysal wasaarihii dalka mudane Khaire. Markii la gaaray 8 Febraayo xukuumadu waxay ahayd inay xilika baneeyso maadaama oo ay ku fashilantay ineey doorasho qabato. Maalinkaas wixii ka danbeeyay xukuumada Farmajo waxey aheeyd xukuumad sharci daro ah.

Golaha musharaxiinta mucaaridku waxay ku dhawaaqeen inaysan aqoonsanayn xukuumada Farmaajo wixii ka danbeeyay maalinta 8 February, taasi oo macnaheedu yahay waa sharci daro. Madaxweyne Farmajo waa madaxweyne Sharci daro ah sida ay sheekeen mucaaridku.

19 bishan oo ahayd maalin jimce ah midawga musaharaxiinta waxaey si nabad galyo ah ugu mudaharaadayeen caasimada iyaga iyo taageerayaashooda si ay muujiyaan dareenkooda. Waxay ku dhawaaqayeen ma doonayno Farmaajo, Farmajo ha dhaco iyo kelmedo kale. Mudaharaadkan waxa looga danlahaa in madaxweynihii hore Farmajo lagu tuso inuu dalka si sharci daro ah ku haysto isla markaana uu kursiga si nabadgalyo ah u baneeyo.

Nasiib daro xukuumadu waxay shacabkii mudaharaadayay u adeegsatay ciidanka qaranka oo xabado ku furay. Waxay ka xishoon waysay in dadku si nabadgalyo ah u mudaharaadaan iyagoo fikirkooda muujinaya, waxay ixtiraami wayday madaxda xisibiyada oo dareenkooda muujinaya. Taasi bedelkeeda waxay xabado nool  ku furtay shacabkii waxana dhibaato ka soo gaartay dad shacab ah.

Xukuumadu waxay isticmaalaysaa caburin iyo hanjabaad ay ku hayso shacabka iyo mucaaridka iyadoo adeegsanayso ciidamada kala duwan, taasina waxay wadanka galinaysaa xaalad qas ah iyo jahawareer siyaasadeed oo loo baahanayn. Hadii Farmajo ku guuldaraystay inuu dalka horumar gaarsiiyo maahan inuu nabadgalyo daro ka abuuro. Somalia waxay u baahantahay hogaamiye dabacsan oo wadanka horurmar gaarsiiya, uma baahna hogaamiye xiligaan dalka fawdo iyo qas ka abuura sida Farmaajo.  

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?