Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka digey in ciidamada Xoogga Dalka la kala qeybiyo

 


Sidaan ka soo xiganay shabakada Jowhar news, Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir kana mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo bandhigay xog hoose uu helay oo sheegeysa in ay socdaan qorshe labo dhinac loogu qeybinayo ciidanka milatariga Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ciidanka milatariga loo qeybin rabo labo dhinac oo kala ah qeyb taageersan Farmaajo oo la doonayo in lagu boobo doorashada iyo kuwa laga shakisan yahay oo la doonayo in dagaal la galiyo si loo mashquuliyo.

 

”Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo. Taliyaha ciidanka Generaal Odawaa iyo taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan, Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka.;ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaana uga digey taliyaha ciidanka in uusan horseedin burburka ciidanka, kana saaro ku milanka siyaasada, waxa uuna xusay in amarka la siiyay aysan luquntiisa ka saari doonon dambiyada uu galo.

 

Xogta uu soo bandhigay Siyaasigan ayaa kusoo aadeysa xili dhawaan dowlada ciidamada milatariga Soomaaliya ee Gor gor u adeegsaday sidii loo joojin lahaa banaan bax Mucaaradka qorsheenayeen in uu ka dhaco Muqdisho.

 

Arintaan ayaa soo baxayso xili dalku marayo xaalad siyaasadeed oo aad u adag iyo uu soo dhawyahay shirka dawlada wakhtigeedii dhamaaday iyo maamul goboleedada oo Muqdisho ka dhacaya. Hore dawlada wakhtigeedii dhamaaday waxa loogu eedayay inay ciidamada u adeegsatay dano gaar ah iyadoo taasi markhaati ka tahay dhacdadii 19 Febrayo ka dhacday muqdisho

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?