Ciidamad Farmaajo Geeyay Gobolka Gedo waxay Caqabad ku yihiin Wadahadalada Dawlada iyo Madaxda Maamul goboleedada.

 


Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegay ain Dowladda Soomaaliya ay  ciidamo ku hubeysan hub culus ka dejisay degmada Doolow ee gobolka Gedo, xilli gobolka Gedo ay ka jiraan abaaro iyo biyo la’aan iyo khilaaf u dhexeeya Jubaland iyo Dawlada dhexe oo ku muransan gacanku haynta gobolka.

Xukuumada wakhtigeedii dhamaaday iyo maamulka Jubaland ayaa ku muransan gobolka Gedo. Waxaana dhawr jeer ka dhacay dagaal ku dhex maray ciidamada Somalia iyo kuwa maamulka Jubaland, taasina waxay kor u sii qaaday xiisada labada u dhexaysa labada dhinaca.

Hadaba Ciidamadan oo ah kuwa millateriga sida gaarka u tababaran ee Gor-Gor ayaa la sheegay in lagu geeyay Gedo amar ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo oo muddo xilleedkiisii uu dhamaaday bishii laga soo gudbay. Arintani waxay dab ku sii shidaysaa khilaafka u dhexeeya dawlada iyo jubaland iyadoo xiligan ay socdaan wadahadalo lagu doonayo in lagu dhameeyo khilaafka arimaha ku saabsan arimaha doorashooyinka.

Ciidamadan la geeyay gobolka Gedo ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli xiriirka dalalka Somaaliya iyo Kenya uu meel xun marayo.

Maahan markii koowaad iyo markii labaad ee Dowlada Federalku ciidamo u dirto gobolka Gado, balse waxay  hore ciidamo faro badan waxa ay geysey gobolka Gedo oo khilaaf xoogan ka taagan yahay cidda maamulaysa doorashada la qorsheynayo in loogu qabto qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Federalka.

Dhinaca kale maamulka Jubaland ayaa war ka soo saaray arinta ku saabsan ciidamada la geeyay gobollkaas. War ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa looga hadlay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya, hub iyo gaadiid dagaal oo shalay dowlada Federaalka geesay gobolka Gedo.

Jubaland waxay nasiib daro ku tilmaamay in gobolka Gedo ay ka jirto xaalad bini’aadanimo in dowlada federaalka doorkii laga filayay gar gaar ay halkaasi ka dejiso taa badalkeeda u daabusho ciidamo iyo hub kala duwan.Warka kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay masuuliyada waxii ka dhasha gulufka iyo ciidamada lagu daabulayo gobolka Gedo masuuliyadeeda uu qaadi doono Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo.

 

 

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?