Dawlada UK oo ka digtay Mudo kordhin loo sameeyo Xukuumada Wakhtigiisii dhamaaday ee Farmajo.

 


Waxa isa soo taraya cadaadiska beesha caalamku saarayso xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ee Somalia inay qabato doorasho lagu wada qanacsanyahay isla markaana ay la timaado jawi lagu fulin karo heshiiskii la gaaray 17 September sanadkii tegay. Xiligaan qaar ka mid ah wadamada beesha caalamka ayaa soo saaraya qoraalo ay dawlada ugu soo jeedinayaan inaan xiligaan loo baahnayn in la is jiijiito oo loo baahanyahay in hal dhinac loo soo wada jeesto isla markaana meesha laga saarao mudo kordhin.

Markaan dawlada Ingiriiska ayaa ayaa dawlada wakhtigeedii dhamaaday uga digtay inay isku daydo mudo kororsi loo sameeyo xukuumada Farmaajo.  Dawlada UK Wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika James Duddridge ayaa ka digay in Baralmaanka Somalia muddo kororsi u  sameeyo xukuumada muddo xileedkii dhamaaday.

War saxaafadeed uu Wasiirka soo saaray ayaa waxaa uu walaac ka muujiyay xal la’aanta arrimaha siyaasadeed, iyadoo aan weli is afgarad laga gaarin hannaanka doorashada. Waxaanay ka digaysaa mudo kordhin kasta oo loo sameeyo  madaxweynaha aan sharciga ahayn ee Farmaajo taasina ay dhaawacayso dimoqraadiyada iyo horusocodka dalka

“UK ma taageeri doonto ficil kasta oo horseeda hannaan doorasho kala qeybsan, mid barbar socota iyo in toos muddo kordhin loogu sameeyo muddo xileedkii hore”ayuu yiri James

Wasiir James Duddridge Waxaa uu hoosta ka xariiqay in si degdeg ah loogu baahan yahay inay isu yimaadaan Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed oo ay heshiis guud ka gaaraan hirgelinta geeddi socodka doorashada, iyadoo la raacayo heshiiskii doorashada ee 17 September iyo soo jeedintii guddiga farsamada ee Baydhabo.

Cadaadisyada Beesha Caalamka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ayaa soo kordhaya iyagoo culays balaadhan saaray madaxweynaha wakhtigeedii dhamaaday isla markaana loo baahanayahay in la la yimaado wadatashi loo dhanyahay. Beesha caalamku waxay  walaac ka muujinayay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo is mari waaga ka taagan doorashooyinka, waxaana baaqyo toos ah ka imaanayaan caasimadaha dalalka taageera Soomaaliya.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?