FARMAJO OO DOONAYA MUDO KORDHIN IYO IINUU KA CAGAJIIDO DOORASHO.

 


Madaxda mucaaridka ee xisbiyada qaranke waxey ogolaadeen inay dib u dhigaan mudaharaadkii qorsheysaan 26 bisha oo aheyd maalin jmco ah, joojintaan waxey timi ka dib markii dowlada xiligeedii dhamaaday iyo midawga musharaxiintu ay isla meel dhigeen qodobo heshiis ah kuwaas oo ay ku jirtay inay dawladu qaadato masuuliyadii wiixii dhacay 19 february. Waxa kale oo dawladu qiratay in arintaasi gef ku ahayd madaxda mucaaridka sidaas darteed ay raali galin buuxda ka bixinayaan.

Madaxda mucaridku iyakoo dalka u naxaya waxay ogolaadeen in mudaharaadka dib loo dhigo ilaa 10 bisho inta la keenayo jawi Isfahan oo horey loogu sii socdo. Sidaas darteed xukuumadu waxey sheegtay inay gudi u saarayso wixii dhacay jimcii hore, kaasoo ahaay fal foolxun oo lagu weeraray madaxda mucaaridka iyo shacab si nabagalyo ah u mudaharaadayay.

Hadabo sida wararka hoose sheegayaan Madaxweynaha waktigiisii dhamaaday ee Farmajo wuxu u soo jeediyay raysal wasaraha in dastuurka wax laga bedelo oo uu mudo kororsi helo si uu kursiga u sii haysto. Soo jeedintaan oo ah sharci jabin kale iyo musuq hadii ay jirto waxay noqonaysaa in markale xukuumada ku meel gaarka ah ee Farmajo samaynayso qalalaase siyaasadeed si ay dalka u sii xukunto.

Madaxweynaha aan sharciga aheyn waxauu ku gefay dastuurka waxaanu xilka haystaa isaga oo aan markale la soo dooran mudo xileedkiisina dhamaaday 8 february taasoo ah xudunta khilaafka ilaa hada jira.  Midawga musharaxiintu horey waxey u sheegeen inaanay aqoonsanayn Farmajo wixii ka danbeeyo 8 Febrayo waxanay dareenkooda ku muujiyeen mudaharaad dawladu si qaawan u weerartay.

Raysal wasaare Rooble waxuu hada wadaa isku soo dhawayn laakiin damaca Farmaaje ee kalitaliska ah ayaa markale isku dayaya inuu xaalada xumeeyo, hadii madaxweynaha iyo rasayl wasaaruhu isku raacaan in Farmajo loo sameeyo mudokordhin waxay ceel dheer ku dhici doonta rajadii umada Somaliyeed waxaana loo baahanyahay in la helo qorshe lagu badbaadinayo wadankaan oo xaalad adag ku sugan xiligaan.

Shacabka somaliyeed dulqaadkii waa ka dhamaaday mana u dulqadan doonaan sharci jabin kale iyo caburin, waxey diyaar u yihiin in ay markale dareenkooda ku muujiyaan banaanbax lagaga soo horjeedo dowlada xilgaarsiinta ah ee wakhtigeedii dhamaaday, shacabku waxy leeyihiin Farmajo ha tago.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?