Farmajo oo markale jabiyay qodob ay ku heshiyeen Raysal was are Rooble iyo Midawga Musharaxiintu.
Farmajo ayaa markale jabiyay heshiisyada la doonayay in lagu xaliyo khilaafka la xiriira arimaha doorashooyinka. Qodobaasi oo ahaay in mucaaridku door ka qaybgal ku yeeshaan wadahadalada xalka lagu raadinayo balse shirki uu ku dhawaaqay in sabtida la isugu yimaada gabi ahaanba waa laga reebay mucaaridka. Farmajo waxa soo food saartay cabsi siyaasadeed, wuxuu isku dayayaa inuu kolba khiyaamo iyo sharci jabin sameeyo isagoo doonaya in uu kursiga markale fuulo.
Shirka Farmajo ku baaqay wuxu gabi ahanba meesha ka saarayaa qodobkii lagu heshiiyay ee ahaay inu mucaridku si aan toos ahayn uga qayb galaan wadahadalada lagu xalinayo khilaafka doorashooyinka maadaama ooy qayb muhiim ah ka yihiin arimaha doorashooyinka. Waxa muuqata in madaxweynaha aan sharciga ahayn ee Farmajo markale wiiqay rajadii laga qabay xal waara looga gaaro arimaha muranku ka taaganyahay. Shirkaan wuxu meesha ka saarayaa in midawga door ku lahaadaan shirka uu ku baaqay Farmaajo.
Arintaan waxa nasiib daro ku tilmaamay midawga musharaxiinta oo sheegay in Famrajo markale ku soo duulay qaabkii xal looga gaari lahaa arimaha hada taagan isla markaana uu doonayo inuu fashiliyo. Madaxweynaha xilkiisii dhamaaday ee Farmajo marabou inuu dalka doorasho ka qabto, waxu doonayaa inuu sii wada caburinta, sharci darada iyo kutumashada dastuurka ee uu xiligaan kursiga ugu soo gaaray.
Xasan sheikh Maxamud oo ah musharax u tartamaya madaxtinimada ayaa sheegay inaan Farmajo xaq u lahay inuu dalka hogaamiyo maadaama oo mudo xileedkiisii dhamaaday, wuxuu sharci daro ku tilmaamay inuu xiligaan Farmajo dalka maamulo.
“Madaxweynaha waqtiga waxa uu ka dhammaaday marka uu ku dhawaaqay in uu yahay murashax, meel aan ku iri ma jirto iyo waxbaa laga sheeeg-sheega balse waad taqaaniin oo hadda kahor waan sheegay sida ruuxaanta ayuu dadka uga dhex hadlaa Madaxweynahu, xaqna uma lahan in uu sii wado howlaha Amniga iyo Doorashada,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Dhinaca kale xukuumada xil gaarsiinta ah ayaa soo saartay xayiraado cusub oo la xiriira cudurka Covid 19 taasoo u muuqata in dadka xoriyadooda lagu waxyeelanayo maadaama oo shacabku doonayaan inay muharadaa isugu yimaadaan. Dawladu markii ay ku fashilantay inay wax ka qabato xanuunka sida xun u gumaaday bulshada Somaliyeed waxay ka dhigatay qorshe ay dadka kaga hor istaagto inay dadku mudaharaadaan, taasina waa hab cusub oo dawladu dadka xuquuqda cabirirada fikirka uga qaadayso.

Comments
Post a Comment