Farmajo ooo markale doonaya inuu fashiliyo Heshiiska Raysal wasaaraha iyo Midawga Musharaxiinta.

 


Shirkii u danbeeyay ee midawga musharaxiinta iyo Raysal wasaaraha waxaa lagu heshiiyay in horey loo sii socdo oo maalinta khamisita ah shir la isugu yimaado markale, waxa kele oo lagu heshiiyay in mudaharaad labada dhinacba isla ogollyihiin la qabto maalinta sabtida eh. 

Raysal wasaaruhu wuxu ogolaaday in gudi loo saaro wixii dhacay 19 Febrayo isla markaana midawga ka wada shaqeeyaan sidii laoo qaban lahaay mudaharaad nabadgalyo ah oo lagaga soo horjeedo dawlada aan sharciga ahayn iyo madaxweynaha Wakhtigiisii dhamaaday ee Farmajo.

Madaxweynaha aan sharciga ahayn ee Farmajo isla markii heshiiskani dhacayba wuxuu ku dhawaaqay in shir isugu yimaadaan midawga musharaxiinta iyo dawlada taasoo uu ku beegay maalintii loo balansanaa mudaharaadka,  tani waxay ina tusaysaa inaan Farmaajo diyaaru ahayn inuu dalka doorasho ka qabto isla amrkaana uu rabo inuu xukunka sii joogo. Dhinaca kale waxay xagal daacinaysaa heshiskii ay wada galeen Raysal wasaaraha iyo midawga Musharaxiinta.

Qoraalkaas waxa lagu yiri sidan Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4-ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir,” .

Arintaan waxay dhaawac wayn ku tahay heshiisyada hor dhaca ah ee la gaaray waxaanay ina tusaysaa inaanu farmajo doonayan in dalkaan doorasho ka dhacdo, waxuu rabaa inuu ka hor yimaado qorshe kasta oo horey loogu soconayo si doorasho loo qabto.

Hadaba bayaan ay soo saareen midawga musharaxiintu ayay ku eedeeyeen Farmajo inuu carqaladayno heshiiska  ay la gaareen Raysal wasaaraha isla markaana uu doonayo inaan horey loo socon. Farmajo wuxuu sii wadaa sharci burburin iyo qalalaase siyaasadeed.  Midawga qoraalkooda waxay ku sheegeen sidan ;

“Waxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagal-daacinayo wadahadallada u dhexeeya Raisalwasaaraha iyo Midowga”

“Kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay midowga musharraxiinta.

Golaha midawga musharaxiintu waxay cod dheer ku sheegeen in cawaaqic xumo ka dhalandoonto hadii Farmajo fashiliyo wadaxaajoodka iyo heshiisyada hordhaca ah ee la gaaray. Dhinaca kale Farmajo wuxuu cabsi ka qabaa mudaharaadka bulshadu isugu imanayso maalinta sabtida ah ee lagu heshiiyay, waayo wuxuu lumiyay kalsoonidii shacabka. Wadada kaliyee uu banaan waa inuu fashiliyo heshiis kasta oo la gaaro si uu kursiga u sii joogo, taasna shacabka somaliyed way ka daaleen

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?