GOLAHA MIDAWGA MUSHARAXIINTA OO WALAAC KA MUUJIYAY XAALADA AMAANKA IYO CAAFIMAAD EE DALKA.
Midawga musharaxiinta ayaa markale soo saaray qoraal ay kaga hadlayaan xaalada amaan iyo caafimaad ee dalka. Midawgu waxay walaac way ka muujiyeen xaalada amaanka dalka iyadoo xiligan ay jiraan xaalado siyaasadeed oo aad u kacsaan isla markaana uu faraha ka sii baxayo amaankii dalkau
Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha waxa kale oo ay war ka soo saareen Cudurka halista ah ee COVID-19 ee kusii faafay gudaha dalka iyo Shirka madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee ka dhacaya Mogadishu.
War-saxaafadeedkan wuxuu imaanayaa kadib markii shalay weeraro madaafiic ah lagu qaaday xarunta Xalane oo loo qorsheeyay in uu ka dhaco shirka lagaga hadlayo arimaha doorashooyinka.
Bayaanka waxaa lagu cambaareeyay weeraradii lagu qaaday Xerada Xalane iyo Maqaayada Luul Yemeni iyagoon sheegay inay ka xun yihiin falalkaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Qoraalka ay soo saareen oo dhinacyo badan looga hadlay, waxey qeyb ka mid ah kaga eedeeyeen madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu dalka u horseeday amni xumo isla markaana ay taasi keento in lagu kalsoonaan waayo magaalada Muqdisho. Golaha midawga waxay nasiib daro ku tilmaameen in amaankii qaranku khalkhal galo dawladi xilgaarsiintuna aanay waxba ka qaban falalka amnidarada ah ee dalka ka dhacaaya.
Goluhu waxay soo dhaweeyeen shirka u dhexeeya midawga musharaxiinta iyo dawlada aan sharciga ahayn ee wakhtigeedii dhamaaday. Waxaanay rajanyanaan inuu soo afjari doono khilaafka uu dalka u horeeday madaxweynaha aan sharciga ahayn ee Farmajo.
Golaha
ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka taxadaraan faafida Cudurka
halista ah ee COVID-19, ayna ka feejignaadan dhibaatooyinka amni darro ee ka
dhacaya dalka ee kuwa geysanaya ka faa’iideysanayaan Jahwareerka siyaasadeed ee
jira.
Sidoo kale,Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay Shirka Madaxda
dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee la filayo
inuu todobaadkan ka dhaco Teendhada Afisyooni ee Xerada Xalane.
Ugu danbayn Musharaxiinta waxay tilmaameen in shirkaas ay u arkaan inuu yahay mid lagu soo afjari doono is-maandhaafka siyaasadeed ee jira haddii uu kulanka uu noqdo mid loo dhan yahay oo dhammaan Madaxda kasoo qeyb galaan, loogana hadlayo khilaafka taagan.
Comments
Post a Comment