JUBALAND IYO PUNTILAND OO KA BAAQDAY SHIRKII AFSIYOONI
Madaxweyneyaasha Puntiland iyo Jubaland ayaa markale ka baaqday shirka wadahadalada ee Afsiyooni. Labadan masuul ayaa shuruudo ku xiray ka qayb galka shirkaan iyagoo ku xiray sadex shuruurood. Shuruudahaas oon dawlada wakhtigeedi dhamaaday aanay waxba ka qabaan. Shuruudaha waxa ugu cuslaay Axmed Madoobe oo dawlada ka dalbday inay kala baxdo ciidanka ay u dirtay Gobolka Gedo.
Ilo- xog kas ah ayaa Mustaqbal u sheegay in Sababaha shirka u baaqday ay tahay Shuruud ka timid Jubbaland oo ku saabsan arrinta Gobolka Gedo oo ah in Dowladda Federaalka ka soo saarto Ciidamada ay geysay halkaasi, maadaama oo gobolkaasi yahay meel ay ku muransanyihiin dawlada federaalka ah iyo maamulka Jubaland.
Dhinaca kale waxa xalay kulan saqdii dhexe gaaray yeeshay Madaxwey-yaasha Jubbaland iyo Puntland oo ay ka wada hadlayaan arrimaha taagan iyo shuruuda Jubbaland ku xirtay kulankaas iyada oo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku raacay dalabka Jubbaland.
Dhanka kale labada masuul waxay soo jeediyeen in aanay Vila Somalia shirka gudoomin maadaama oo ay tahay dawlad wakhtigeedii dhamaaday, taasina way sii adkaysay wadahadalada. Marka labaad waxay ku xireen in ajandaha shirka laga wada hadlo intana shirku furmin oo si wadajir ah loo sameeyo waxalagaga hadlay shirka Afsiyooni, taasina ma dhicin, marka sadexaadna waxey soo jeediyeen labadan maamul in amaanka goobta shirka lagu wareejiyho ciidamda AMISOM.
Si kastaba ha noqotee shirka shalay wuxuu furmay iyadoo labadaan maamul ka maqanyihiin waxaana isug yimid maamula taageersan Farmaajo iyo maamulk Gobolka Banadir. Beesha caalamku waxey soo jeedisay in si wada jir ah loo dhameeyo khilaafka taagan iyadoon dawladu wali wax tanaasul eh muujin.
Waxaa jiray kulan guuldaraysatay oo shalay dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha NISA kaas oo saacado badan qaatay waxaana looga hadlay arrimaha ay ka mid tahay arrinta Gobolka Gedo iyo ciidanka Dowladda Soomaaliya gaysay gobolkaasi.
“Soomaaliya waxa ay u baahan tahay wada ogol iyo tanaasul – haatan waa waqtigii hogaamiyeyaasha muujin lahaayeen xigmad,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanka ee Muqdisho taas oo quus badan ka muuqatay.
Wadaxaajoodyadii uu diblumaasiga la qaatay hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabada iyo Horumarka ayay tibaaxdey in ay khuseeyeen arrimaha doorashooyinka 2020-21 iyo siyaasad loo dhan yahay.

Comments
Post a Comment