Ma Runbaa in Dawlado iyo Hayado ka joojiyeen lacagtii kabka ahayd Dawlada Somaliya.
Sida aan ka soo xiganay qoraal ay qortay warbaahinta Caasimada online, waxa jira warar sheegay in dawlada Somaliya laga jaray lacago ay ka heli jirtay hayado iyo wadamo lacagtaas oo ahayed mid dawladu ku bixin jirtay kharashaadka.
Arintan ayaa laga yaabaa inay xiriir la leedahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda maamul goboleeda iyo dawlada dhexe taasoo keentay in beesha caalamku soo faragaliso arimaha siyaasada Somaliya. Wararkan oo caasimada Online ay ka heshay ilo xogogaal waxay u dhignayd sidan :
“Warbixintu waxey sheegaysaa in wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya, agaasimiyaal iyo saraakiil kale ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya laga joojiyay lacago kab ah oo ay ka heli jirtay hay’ado caalami ah iyo dowlado taageera miisaaniyada dowladda Soomaaliya.
Bangiga Aduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhamaaday, muranka siyaasadeed iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay ku dhaqmeyso dowladda Soomaaliya.
Dowladda Sacuudiga ayaa hore sidaan oo kale u joojisay miisaaniyad 10 Milyan oo ay siin jirtay Soomaaliya markii uu socday go’doomintii Qatar, hase waxay dib u soo celisay markii uu hagaagay xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga, iyadoo lacagtiina ka dhigtay 5 Milyan oo dollar.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in maamul gobaleedyada qaar iyo mucaaradka ay warqado u direen dhamaan dalalka taageera Soomaaliya, kuwaas oo ay ku dalbanayaan in aysan dhiiri gelin xukun ay ku sheegeen kaligiis talis, caburin dadweyne iyo hantidooda loo isticmaalo olole gaar ah maadaama uu dhamaaday muddo xileedka hogaanka dowladda.
Khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa u muuqda mid ka tagaya raadad xun iyo guuld darrooyin dhaqaale oo aan laga soo kaban karin, waxaana laga cabsi qabaa in uu sii xoogeysto haddii aan xal deg deg ah laga gaarin.”

Comments
Post a Comment