Midawg Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Puntiland iyo Jubaland oo Kulmay.

 


Madaxweynayaasha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shir la yeeshay  Midowga Musharaxiinta Mucaaradka. Shirkaan oo ka dhacay xerada xalane oo ay ku booqdeen midawga musharaxiintu waxa looga hadlayaa arimaha la xiriira muranka doorashooyinka iyo shirka loo balansanyahay. 

Midawga musharaxiinta ayaa markan fursad wayn u helay sidii ay arimaha muranku ka taaganyihiin ugala hadli lahaayeen madaxda maamul goboleedada maadaama oo shirku ka dhacayo muqdisho.

Shirkani waxuu imanayaa iyadoo xaalada siyaasadeed dalku meel kacsan marayso walina aan la gaarain xal waara oo ku saabsan armiha doorashooyinka ee muranku ka taaganyahay.  Madaxda musharaxiinta ayaa la sheegayaa in loo diiday Airportka inay la galaan ciidamada ilaaliya maadaama oo horey dawlada wakhtigeedii dhamaadya u diiday arintaan.

Wararka ayaa sheegaya in shirarkan ay qeyb ka yihiin shirar gaar gaar ah oo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ka bilaabeen Muqdisho, tan iyo markii ay yimaadeen, iyagoo dhageysanaya tallooyinka iyo fikradaha Musharaxiinta iyo dhinacyada kale ee siyaasadda. Waxaa la filayaa inay isku mowqif yihiin musharaxiinta iyo labadan madaxweyne.

Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashada, xiisadihii ka dhacay magaalada 19 February iyo sidii caqabadaha ka jira doorashada xal looga gaari lahaa. Arinta ku saabsan caburinta ay musharaxiinta kula kacday xukuumada aan sharciga aheyn ee Farmajo ayaa ka mid ah ajandeyaasha marar badan laga wada hadlay maadaama oo loo baahanyahay siyaasad furan oo aan qofna la khasbin.

Arrimaha ugu weyn ee shirka looga hadlayo ayaa ka mid ah amniga doorashada oo tan iyo wixii ka dambeeya wixii dhacay 19 Febraayo ay keentay kalsooni darro, taasoo sabab u noqotay in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland shuruud ku xiraan ka qeyb galka shirka Muqdisho, ayna dalbadaan in meel amni ah shirka lagu qabto oo ay sugto AMISOM.

Si kastaba ha noqotee beesha caalamka iyo daneeyayaasha Somalia waxey soo jeediyeen in la qabto doorasho aan markale shuruudi ku xirnayn oo aan dib u dhicin, taasi oo farmaajo culays  siyaasadeed oo cusub saaraysa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in beesha caalamku wado in awooda iyo qabashada doorashooyinka lagu wareejiyo Raysal wasaaraha Dalka Mr. Rooble taasoo meesha ka saaraysa siyaasada qalafsan ee Farmajo dalka ku maamulayo isagoo mudo bil ka badan dalka sharci daro ku maamulaya.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?