MUDAHARAADKII OO MARKALE DAWLADU CARQALADAYSAY IYO QARAXYO KA DHACAY MUQDISHO.
Waxa markale baaqday mudaharadkii loo balansanaa maalinka sabtiga kaasoo midawaga musharaxiintu ugu baaqeen taageereyaashooda si ay u muujiyaan dareenkooda iyo ineey ka daaleen xukunka mudo dhaafay ee ka dib markii dawlada xilgaarsiintu ciidamo gaysay goobihii loo qorsheeyay in banaanbaxu ka dhacaan.
Dawlada ayaa markale ka baxday heshiiskii laga gaaray arimaha mudaharaadka oo horey dawladu u ogolaatay, markalena waxa fashilmay iyadoo dawladu ciidamado farabadan gaysay goobihii loo qorsheeyay banaanbaxa.
Dhinaca kale midawga musharaxiinta ayaa sheegay inay baajiyeen mudaharaadka iyagoo ku sababeeyay in dawladu qaadan wayday doorkii ay ku lahayd amaanka isla markaana ciidamo keentay goobihii loogu talagalay. Madaxweynihii hore ee dalka Shiikh Shariif Sh Axmed ahna guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay go’aanka dib u dhigista banaanbaxa, waxaana uu sheegay in ay dib ka soo sheegi doonaan maalinta banaanbaxa.
Dowladda ayaa dhicitaanka dibad-baxaas ku xirtay laba shardi oo kala ah; inay dadka imanayaan kala fogaadaan, iyo inay soo xirtaan af-xirka, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.
Wixii ka dambeeyey markii ay heshiiska gaareen Rooble iyo mucaaradka, waxaa jirtay rajo weyn oo isu soo dhowaansho, hase yeeshee kulankii ugu dambeeyey ee xalay ayaa lagu kala tegay ayada oo mucaaradka ay Rooble ku eedeeyeen inuu ahaa nin meel kale laga hagayey oo aan lahayn go’aan qaadasho, sida ay hadalka u dhigeen.
Dhinaca kale, Faahfaahino hor dhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoog leh oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar-Jajab.
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay 30 kalena way ku dhaawacmeen qaraxa, sida laga soo xigtay adeegga ambalaasyada ee Aamiin Ambulance.
Hey’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxaan.Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari noociisa lagu sheegay NOAH oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaas oo la dhigay afaafka hore ee maqaayadda Luul-Yemeni oo aan ka fogeyn dekedda weyn ee Muqdisho iyo halka laga ilaaliyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Comments
Post a Comment