Shir aan loo dhamayn oo Muqdisho uga furmay qaar ka mid ah Maamulada iyo Gudida farmasada doorashooyinka.
Magaalada muqdisho waxa shir uga furmay qaar ka mid ah xubnaha guddiga farsamada ee Wadatashiga Doorashooyinka ee heer Wasiir ee heshiiska kusoo gaaray Baydhaba ayaa maanta uu shir uga furmay Hotelka Decale ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Waxaa shirka ka qeyb galaya xubno ka kala socda maamul goboleedyada dowladda taabacsan ee HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir, waxaase ka maqan Galmudug, Jubaland iyo Puntland, taaso wali muujinaysa heerka khilaafka u dhexeeya dawlada iyo labadaan maamul
Shirkan ka furmay hotel Decale waxa lagaga hadlayaa arimaha doorashooyinka ee muranku ka taaganayahay balse waxa is waydiin leh sababta wali labadan maamul uga maqanyaihiin. Dadka siyaasada falanqeeyaa waxay ku tilmaameen in dawladu wali wado afduubkii ay ku samaysay gudiga doorashooyinka iyadoo aan wali la imaan jawi wax lagu xalin karo.
Shirkan looga sii arinsanayo shir weynaha ay isugu imaanayaan Madaxda dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada qaar ayaa waxaa ka maqan maamulada Galmudug, Puntland iyo Jubbaland. Mana cada sababta dawladu labadan maamul ugu casuumi wayday inay qayb ka noqdaan shirkan gudiyada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa beeniyay war ay baahisay warbaahinta dowlada oo sheegayay in shir Muqdisho uga furmay DF iyo kuwa dowlad goboleedyada.
Waxa uu sheegay Wasiirka in uusan jirin shir ka furmay magaalada Muqdisho ay ka qeyb galeen, waxa uuna waxbo kama jiraan ku tilmaamay shirkan la sheegay in Hotelka Decale ka socdo.
Shirkan la sheegay in uu ka furmay Hotelka Decale ayaa daba socda shir dhawaan lagu soo gabo gabeeyay Baydhabo, waxa uuna shirkan imaanayaa xili Muqdisho joogaan Madaxda dowlad goboleedyada kuwaa oo u yimid ka qeyb galka shir la filayo in uu ka dhaco Muqdisho.

Comments
Post a Comment