Shirkii Farmajo ku baaqay oo markale Fashilmay iyo Banaanbaxa Maalinka Sabtida.
Waxa markale fashilmay shirkii uu ku baaqay madaxweynaha aan sharciga ahayn ee Farmajo iyadoo ay ahayd in la isugu yimaado magaalada Muqdisho si looga wada xaajooda arimaha la xidhiidha doorashooyinka ee lagu muransayahay, shirkaan waxa horey u iclaamiyay madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday ee Farmajo isagoo doonayay inuu ku carqaladeeyo banaanbaxa ay isla ogolaadeen midawga musharaxiinta iyo raysal wasaare Rooble isla markaana uu u hor istaago wadahadalada.
Horey waxa u fashilmay shirarkii famrajo ku baaqay ee ka dhici lahaa Garowe iyo Muqdisho iyadoo maamuladu diideen caburinta iyo kalitalisnimada Farmaajo. Dhanka kale labada maamul ee Puntiland iyo Jubaland ayaa soo dhaweeyay shir kasta oo lagu xalinayo arimaha doorashooyinka ee Khilaafku ka taaganyahay balse aanay ka qayb galayn shir aan lagu qabanayn meel aan amaan ahayn ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in shirka laku qabanayo xarunta Xalane.
Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntiland ayaa iyaguna sheegay inaanay ku kalsoonayn madaxweynaha wakhtigiisi dhamaaday ee Farmajo, waxaanay ku tilmaameen inuu yahay madaxweyne u dhaqmaya sidii kalitaliska oo doonayo inuu shacabka Somaliyeed caburiyo, taasina wakhtigeedii la dhaafay oo aan shacabku ogolayn. Bulshada rayidka iyo aqoonyahanka ayaa nasiib daro ku tilmaamay in madaxweynihii dalku carqaladaynayo wadahadaladii lagu xalin lahaay muranka arimaha doorashooyinka.
Dhinaca kale xubin u hadlay gudidada qabanqaabada mudaharaadka loo balansayahay maalinka sabtida 6 Marso ayaa sheegay inay qaban doonaan banaabax lagaga soo horjeedo madaxweynaha aan sharciga ahayn iyo xukuumada fashilantay ee Farmajo, waxaanay balanqaadeen inay ka soo horjeedaan xukuumada dalka galisay xaalada aan la hubin iyo qalalaasaha siyaasadeed.
Midawgu waxay sheegeen inay bulshada somaliyeed ugu baaqayaan inay ka soo qayb galaan banaabaxa iyagoo isugu iman doona Daljirka dahsoon iyo goobo kale, waxaanay ugu baaqeen inay muujiyaan dareenkooda iyo sida ay uga xunyihiin xukuumada fashilka ah ee dalka xooga ku haysata.
Guul-darrooyinka Farmaajo ayaa waxaa ugu wacan inuu mar kasta ku dhowaaqo shirar uusan markii hore ka talo-gelin ama uusan aqbalaaddooda kasoo helin dadka u uku casuumayo, taasi oo aan la garaneyn sababta uu u sameynayo, waxaanu hada qirtay inuu lumiyay kalsoonidii dhacabka taasina ay sababtay inuu kaliya kursiga jeclaado

Comments
Post a Comment