SHIRKII MAAMUL GOBOLEEDADA IYO DAWLADA XILGAARSIINTA OO TODOBAADKAN KA DHICI DOONA MUQDISHO.


 Sida aan ka soo xiganay warbaahinta Jowhar, Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in todobaadkan uu Muqdisho ka dhacayo shirkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirkan oo baaqday 1-dii bishan markii ku dhawaaqay Madaxweynah waqtigiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana uu ahaa shirkii 3aad uu iclaamiyay kaddib 8 February oo qabsoomi waayo.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaare Rooble uu diyaar u yahay inuu dib u bilaabo wada hadaladii isaga iyo Midowga Musharaxiinta, kaasoo burburay Khamiistii.

“Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba ,si loo gaaro hishiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado”ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimuu

Dhinaca kale Madaxda Maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa lagu wadaa iney 72ka saacadood ee soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho caasimada Somalia si loo sii ambaqaado wadahadalkii kala dhexeeyey DF sida laga soo xigtay ilo wareedyo ku dhow xukuumada Somalia.

Arrintan ayaa ka dambeysay dedaalo isdaba joog ah oo ay sameeyeen wakiilada beesha caalamka u jooga Somalia.

Shirka madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo  Dowlada Goboleedyada dalka ayaa la filayaa in lagu dhameystiro Heshiiskii 17-ka Sebtembar 2020 kaasoo qeexaya habraacyo muhiim u ah doorashooyinka dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya Maalinta berito ah uu Muqdisho soo gaarayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, halka maalinta talaadada ahna uu imaan doono Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani, Waxaana lagu wadaa in shirkafurmo dhamaadka todobaadkan.

Si kastaba ha noqotee shirkani waa kii sadexaad, waxaana horey u fashilmay shirar dhawr ah oo uu ku baaqay madaxweynaha aan sharciga ahayn ee Farmajo. Wali ma muuqato saadaal muuqata oo lagu gaari karo doorasho iyadoo xukuumada mudadhaaftay ay in ku dhaw 30 cisho xilka hayso.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?