Ururka Alshabaab ayaa la wareegay Gacan ku haynta Degmada Mahadaay.

 


Salaso, 16/03/ 2021. Waraka ka imaanay degmada Maahadaay ee gobolka shabeelada dhexe ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha Al-shabaab ay dagaal kula  wareegeen gacan ku haynta Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararka aan ka helayno Degmadaasi ayaa sheegaya  in  dagaalamayaal aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay dagaal culus kula wareegeen degmada Mahadaay, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle.

Dagaalamayasha Al-shabaab oo war kasoo saaray dagaalka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen degmada, waxaana warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee AL-shabaab lagu sheegay in dhammaan xaafadaha Mahadaay ay ku sugan yihiin Shabaab, iyadoo Ciidanka Dowladda iyo kuwa Hir-Shabeelle ay aadeen dhanka saldhigga ciidamada AMISOM oo kuyaalla warshaddii hore ee hubka ee duleedka Mahadaay, waa sida ay hadalka u dhigeen Al-Shabaabe.

Degmada Mahaddaay oo qiyaastii 23Km u jirta magaalada Jowhar ayaa kamid aheyd deegaanada ay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Hir-shabeelle gacanta ku ahyeen, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakisha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Shabeellaha dhexe oo ay kaga hadlayaan dagaalka Al-shabaab ay kula wareegeen mahaddaay.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno Mahadaay waxay sheegayaan in ciidamada dowladda magaalada laga saaray ayna isku uruursanayaan saldhigga ciidamada AMISOM ku leeyihiin Warshaddii hore ee hubka oo ku taalla duleedka degmada Mahadaay.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay dagaalkaas, inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?