VILLA SOMALIYA OO WADA QORSHE LAGU WIIQAYO MUCAARIDKA.

 


Sidaan ka soo xiganay shabakada wararka allbanadir online villa somaliya ayaa wada qorshe ay ku xadidayso awooda mucaaridka, wararku waxay sheegayaan in xukuumadu doonayso inay yarayso gabi ahaanba dhaqdhaqaaqa mucaaridka iyadoo la doonayo in la xadido socdaaladooda iyo kulamadooda.

Mucaaridka oo leh awooda ugu badan magalada casimada Mudisho villa Somalia waxay is tustay inaanay awood ku leheeyn deegaanada ay ka soo jeedeen sida Galmudug iyo hiiraan oo ay ka arimiyaan madax taageersan madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday ee Farmajo. Villa Somalia oo horey culays iyo caburin ugu haysay madaxda mucaaridka ayaa markaan doonaysa inay yarayso dhaqdhaqaaqa xubnaha mucaaridka si ay u wiiqdo awoodoooda. Wararku waxey sheegayaan in dawlada wakhtigeedii dhamaaday doonayso in aaan mucaaridku awood ku yeelan caasimada si aanay caqabad ugu  noqon xukuumada Farmajo.

Marka la fiiriyo sida dawladu u hawlgalisay ciidamada waxa muuqato inay dawladu doonayso in xubnaha mucaaridku kaliya ku koobnaadaan goobo cayimaan sida Hotel Jazeera isla markaana aanay dhaqdhaqaaq balaaran ku yeelan magaalada inteeda kale. Horey ayay dawladu u diiday in madaxda mucaaridku ilaalo la gasho gudaha Airport Adan Cade.

Wararka aan ka soo xiganay Allbanadir waxa kaloo sheegayaan in xukuumada wakhtigeedii dhamaaday isku dayayso inay  xadido kulamada ay yeelanayaan madaxda xisbiyada mucaaridka isla markaana awooda la saari doono sidii loo xakamayn lahaayn kulamadooda iyo kulamada ay bulshada la yeelanayaan.

Dhinaca kale waxa xukuumada Farmajo doonaysaa inay joojiso gabi ahaanba mudaharaadada isla markaana la hakin doono safarada ay madaxda xisibyada mucaaridku ku tagaan dawlad goboleeda taasi oo cadayn u ah ku tumadashada iyo abuse ka xukuumada uu hogaamiyo madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday ee Farmajo oo muddo bil ka badan sharci daro ku jooga madaxtooyada Somaliya. Waxa kale oo wararkaasi sheegayaan in diyaaradaha gobolada dalka taga lagala hadlay arintan isla markaana loo soo bandhigay inaanay qaadin madaxda mucaridka.

Inkasta oo qorsheyaashani adagyihiin in la fuliyo hadane waxa muuqato in xukuumada wakhtigeedii dhamaaday sii wada caburinta iyo burburinta dastuurka isla markaana doonayso inay  wadanka si sharci daro ah ku sii maamusho. Wali waxa taagan muranka arimaha doorashooyinka taasi oo loo balansayahay in xal laga gaaro. Dawladu wali waxay sii wadaa in mucaaridka la wiiqo isla markaana la caburiyo bulshada.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?