Wadooyinka Muhiimka ee Muqdisho oo Maanta Xiran.
Qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magalada muqdisho ayaa maanta xiran, sababtana dawladu ma shaacin ilaa hada. Dadka Muqdisho ayaa saaka ku waabariistay qaar ka mid ah waddooyinka magaalada oo xiran, iyadoo isgoysyada la dhigay ciidamo iyo gaadiid dagaal.
Sida wararku sheegayaan waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada ayaa ciidamada u diidayaan gaadiidka, iyadoo meelaha qaar laga celinayo. Xiritaanka wadooyinku waxey caqabad ku yinhiin isku socodka dadka iyo ganacsiga.
Inkastoo maalin shaqo oo sabti ay tahay, haddana waxaa la ogeyn in sababaha maanta loo xiray waddooyinka, waxaa la hadal hayay shirka ka bilaabanaya magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada in loo xiray waddooyinka.
Xukuumada kama hadal sababta loo xiray wadooyinka muhiiimka ainkasta oo ay jiraan arimo la xiriira dhinaca amaanka magaala oo beryahan danbe soo xumaanayay. Tani waxey cadaynaysaa sida xukuumada wakhtigedii dhamaaday ee Farmajo kolba caqabad u abuurayso iyadoo aanay jirin sabab cad oo ay sheegtay.
Dhinaca kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo shalay jimcihii shir gaar ah ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya ayaa u kordhiyay waqtiga howlgalka Ciidamada AMISOM, iyagoo ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay qabtaan doorashooyin aan mar kale dib u dhicin. Qoraal ay soo saareen waxay ku sheegen inaan loo baahnayn in doorashadu markale dib u dhacdo.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka dalbaday dhinacyada Soomaaliya inay xal ka gaaraan khilaafka, sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorasho.
Todobaadkan ayaa la filayaa inuu Muqdisho ka bilowdo shir u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada oo lagu dhameystirayo heshiiskii doorashada 17 september.
Si kastaba ha noqotee qoraalkani waxuu culays saarayaa madaxweynaha aan sharciga ahayn ee Farmajo maadaama oo uu ka caga jiidayo inuu doorasho qabto. Tani waxay sii xoojinaysaa sidii markale doorasho loo qaban lahaa laakiin farmajo iyo xukuumadiisa aan sharciga ahayn waxay ku tagahay caqabad siyaasadeed oo wayn.

Comments
Post a Comment