Weerar Madaafiic ah oo lagu weeraray Xerada Xalane.
Wararka naga soo gaaraya magaalada muqdisho ayaa sheegaya in Tiro madaafiic ah lagu garaacay xerada ciidamada ee Xalane halkaasi oo loo qorsheeyay inuu ka dhaco shirka madaxda maamulada iyo dawladaha dhexe. Ma jirto wax faahfaahin ah aan laga bixin qasaaraha ka dhashay madaafiicdan.
Weerarka madaafiicda ee lagu qaaday xarunta Xalane ayaa imanaya iyadoo lagu wado in dhowaan teendhada Afesiyone oo ku dhow xarunta Xalane lagu qabto shirka Dowlada Federalka,maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen beesha caalamka ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeybgalaan madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo hore u diiday inay ka sooq eybgalaan shir uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.
Hore ayay qoraal wada jir ah u soo saareen madaxda maamulada Jubaladan iyo Puntiland iyagaoo sheegayay inaan lagu kalsoonaan Karin amaanka xerada Xalane oo dawladu sheegtay inuu ka dhacayo shirka lagaga hadlayo arimaha doorashooyinka. Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntiland ayaa sheegay inaanay ku kalsoonayn madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday iyo amaanka madasha shirka lagu qabanayo labada. Waxaanay soo jeediyeen inay xarunta shirka ilaaliyaan ciidamada Amizom.
Dhinaca kale wararku waxay sheegayaan in ilaa lix hoobiye ku dhaceen xerada xalane taasi hakad galin karta habsami u socodka shirkii loo balansanaa inuu ka dhaco. Wali kamay hadal dawladu dhacdadan waxaana muqdisho ku soo beegan madaxda maamulada kala duwan. Saaka waxa muqdisho soo gaadhay ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha jubaland waxaana la filayaa inuu galabta soo gaadho magaalada madaxweyne Axmed Madoobe.
Si kastaba ha noqotee waxa wali sii socdo falalka ka dhanka ah amaanka iyadoo dawladu soo saarin qorshe lagu ilaalinayo amaanka guud.

Comments
Post a Comment