WEERAR MADAAFIIC AH OO MARKALE LAGU QAADAY XARUNTA XALANE.

 


Sida warkarku sheegayaan, weerar madaafiic ah ayaa saakay lagu garaacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho. Xerada xalane waxa maantay ka furmayay shirka wadahadalada dowlada wakhtigeedii dhamaaday iyo maamul goboleedada waaana xarunta looga taliyo AMISOM sidoo kale ay degan yihiin Safiiro iyo Diblumaasiyiin reer Galbeed ah .

Wararku waxay sheegayaan in Madaafiicda lagu garaacay xarunta Xalane in badankood ku dhaceen guryo dad shacab ah degan yihiin oo kuyaala degmada Wadajir, waxaana madaafiicdaasi lasoo tabinayaa in khasaaro nafeed ka dhasheen.

Madaafiicdan ayaa waxaa ku dhintey saddex ruux oo rayid ah halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.Hoobiyaashan ayaa ku dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha xilli ay halkaas ku sugnaayeen madax ka socota maamul goboleedyada dalka.Majiro wax war ah oo ka soo baxay weli laama amniga iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay ee madaafiic ay ku dhacaan degmada Wadajir.

Weerarkani waxuu ku soo beegmayaa xili xasaasi oo dalku ku marxakad xasaasi ah isla markaana ay socdaan shirarka lagag wada xaajoonayo arimaha doorashooyinka ee muranku ka taaganyahay, dadka degan goobaha u dhaw madaarka ayaa sheegay inay maqlayeen madaafiicda lagu tuuray xerada xalane. Markan waxa madaafiicdu ku habsadeen dad shacab ah oo waxyeelo soo gaartay.

Bishan horaanteedii ayay ahayd markii tiro madaafiic ah lagu weeraray Xerada Xalane halkaasi oo ay  degan yihiin qaar ka mid ah madaxda maamulada. Horey  madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay inaanay inaanay isku aaminayn amaanka xerada Xalane isla markaana loo baahayahay in ay amaankeeda sugaan ciidamo aan ahayn kuwa AMISOM.

Dad ku sugan agagaarka Garoonka diyaaradaha oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay inay maqlayeen jugta ilaa iyo 6 madfac oo lagu tuuray dhinca Xerada Xalane oo ay degan yihiin Hay’addaha shisheeye iyo Taliska Ciidanka AMISOM.

Weerarka madaafiicda aya kusoo aadaya, iyadoo shirka madaxda maamulada iyo dawladu ka furmayo  teendhada Afisyooni oo ku taala xeyndaabka Garoonka, shikrkaasi oo lagaga wada hadlayo arimaha doorashooyinka.

Si kastaba ha noqotee intii ka danbaysay 8 Febrayo ee uu dhamaaday mudo xileedkii Farmajo waxa soo badanayay weerarada iyo madaafiicda lagu weerarayo meelaha muhiiimka ah sida xerada xalane oo shirka lagu qabanayo.

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?