Xoghayaha Maraykanka J. Blinken, ayaa ugu baaqday dawladda Soomaaliya in doorasho deg deg ah la qabto
Bayaan uu soo saaray xoghayaha arimaha dibada Anthony Blinken ayaa sheegay muhiiimada ay leedahay in dawlada wakhtigeedii dhamaadya qabato doorasho aan dib u dhicin. Blinken waxa uu carabka ku adeeyay in la qabto doorasho si degdeg ah oo aan markale dib u dhicin.
Qoraalka waxa lagu sheegay in Maraykanku ka walaacsanyahay xaalada siyaasadeed ee Somalia ee xiligaan oo ku jirta xaalad aan la saadaalin Karin taasi oo ay sababeen dib udhaca ku yimi doorashooyinka iyo khilaafka arimaha lagu muransayahay oo aan wali heshiis laga gaarian.
Qoraalka waxa lagu yiri “muranka arimaha doorashooyinku waxay dalka galiyeen qas siyaasadeed, amaan daro, waxaanay caqabad ku noqnaysaa horumarka dalka. Waxaanu dawlada Somalia iyo dawlada xubnaha ka ahba ugu baaqaynaa inay inay meel iska dhigaan arimaha yaryar ee ay isku hayaan, oo ay qaataan masuuliyada dadka Somalida ah isla markaan isku raacaan doorasho loo dhanyahay sida ugu dhakhsaha badan.”
Fariintani waxey si toos ah u khuseeysaa dawlada wakhtigeedii dhamaaday oo doonaysa inay xilka sii joogto si sharci daro iyadoo ku guuldaraysatay inay wadankaan doorasho ka qabato. Waxa dhinaca kale sii kordhay khilaafka la xiriira arimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dawlada dhexe iyo maamulada taasi oo keentay in aan la saadaalin Karin xaalada siyaasadeed ee dalka.
https://www.state.gov/somalia-should-hold-elections-immediately/
Warbixinta waxa kale oo lagu sheegay in caqabada hadda jiraa ay wiiqeyaan horumarka ilaa iyo hadda la sameeyay, waxaana loo baahanyahay in si degdega dib u dhacan wax looga qabto si dib u habayn loo sameeyo si Somalia hore ugu sii socoto hanaanka cafinta deynta buuxda.
Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in Mareykanku taageersanyahay xaquuqda muwaadiniinta soomaaliyeed ee ah inay si nabad ah u mudaharaadaan waxayna si adag uga soo horjeedaan adeegsiga rabshadaha ee koox kasta. Waxaan ka codsaneynaa madaxda Soomaaliya inay ilaaliyaan mustaqbalka dalka ayna gaaraan heshiis ah in si deg deg ah loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Comments
Post a Comment