XUKUUMADA SOMALIYA WAY KU FASHILANTAY ILAALINTA XUQUUQDA DUMARKA
Dumarku waa asaaska bulshada waana tiirarka horumarka bulshada, intii xukuamda farmajo talinaysay dumarku waxay la kulmeen caqabado tiro badan, dhac, kufsi, dil, qarax, barakac, iyo xuquuqdoodii dastuuriga ahady oon dawladu dhawrin. Dumarku saamayn siyaasadeed kuma lahayn xukuumada fashilantay ee Farmaajo hogaamiyo.
Waxa jira xubno kooban oo ku jira labada aqal ee barlamanka kuwaas oo aan saamayn siyaasadeed lahayn. Ma hayaan xilalka siyaasada dalka looga taliyo sida gudoomiyaha baarlamanka, afhayeenka madaxtooyada, wasiirka arimaha dibada.
Dhinaca kale, waxa dumarku la kulmayeen amni daro.dumarku waa tirada ugu badan ee waxyeeladu ka soo gaarto qaraxyada ka dhaca dalka gaar ahaan caasimada muqdisho. Dawladu waxey dayacday amaankii haweenka Somaliyeed, waxaana meesha ka baxday xuquuqdii ay kaga qayb gali lahaayeen go’aanada siyaasadeed ee qaranka. Xukuumada aan sharciga ahayn ee Farmajo waxay diiday baaqyadii ururada haweenka, aqoonyahanka iyo xisbiyada mucaaridka ah. Baaqyadaas waxa lagu baadidonayay saamiga siyaasadeed ee dumarku ku leeyihiin dalka.
Dumarku waxeey mudanyihiin xushmad iyo qadarin gaar ah, balse intii farmajo xilka hayay waxa haweenka Somaliyeed soo wajahay caqabdo gaar ah kuwaas oo ay ka mid yihiin hooyooyin caruurtoodii la geeyay faramo dagaal. Sanadkan dhamaadkiisii waxa soo baxay warar sheegaya in dhalinyaro somaliyeed la geeyay gobolka Tigrey ee dagaalka qadhaadhi ku dhex maray ciidamada Ethiopia iyoi jabhada TPLF taasi oo su’aal galisay in dhalinyaradii halkaas tababarka loo geeyay la geeyay faranta dagaalka. Arintani waxay lushay quluubta hooyooyinka Somaliyeed ee caruurtoodu ku maqnayd Eritrea.
Ururrada haweenka ee Soomaaliya oo shir ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa muujiyay warwar ku aadan in aan la xaqiijin qoondada haweenka ee boqolkiiba sodonka ah in ay ka helaan kuraasta labada aqal baarlamaan ee la dhisi doono todobaadyada soo socda. Waxaanay cabasho ka muujiyeen inaan la siin doorkoodii ay ku lahaayeen hogaaminta dalka.
Haweenka somaliyeed oo tiro yar ku leh dawlada wakhtigeedii dhamaaday ee Farmajo waxay marar badan cabasho u gudbiyeen goleyaasha qaranka ee kala duwan waxaanay soo bandhigeen cadaalada darada ay kula kacday dawlada farmaajo. Ilaa hada waxa jira laba wasiir oo dumar ah iyo tiro xildhibaan ah oo ku jira labada aqal ee Baarlamaanka Somalia taasian waxay ina tusaysaa sida ay xukuumada farmajo dayacday xuquuqda dumarka Somaliyeed.
Amina Mohamud Abdi o ka mid ah sharciyaqaanada Somaliyeed isla markaana u dooda xuquuqda dumarka ayaa sheegtay inay mar walba lagu yidhaadho side gabari u meteli kartaa qabiil dhan? Anigoo kaga jawaaba qabiilku rag kaliya kama koobna, dhacdadani waxey ina tusaysaa sida haweenka somaliyeed xuquuqdoodii loo baabiiyay.
Dumarka Somaliyeed intooda badan waxey u qaxeen dibadaha gaar ahaan kuwii waxbartay markii dawlada Somalia siin waysay xuquuqdii dastuuriga aheyd ee ay ku lahaayeen dalkaan. Ilhan Omar oo ah mid ka mid ah dumarka Somaliyeed ee xiligan saamaynta siyaasadeed ku leh dalka maraykanka ayaa ka mid ah dumarka wadanka ka qaxay ee xuquuqdoodii ka helay wadamo kale. Balse waxa jira tuhun ah in Ilham Omar aanay ka hadal xuquuqda haweenka SOmaliyeed iyadoo maraykanku door ku leeyahay xukuumada fashilka ah ee Farmaajo ee xiligaan talada ahaysa.

Comments
Post a Comment