AGAASIMAHA HAYADA XUQUUQDA AADAMAHA Kenneth Roth “Farmajo waxuu ku dayanayaa Afewarki”

 


Dawlada wakhtigeedii dhamaaday ee uu hogaamiyo Farmajo ayaa wajahaysa culayso siyaasadeed oo kaga imaanaya beesha caalamka  iyo dalalka jaarka ah. Waxa isa soo taraya mudaharaado lagaga soo horjeedo damaca qaldan ee Farmajo uu ku doonayo inuu markale xilka xoog ku sii haysto. 

Sida aan ka soo xiganay laanta afka Somaliga ah ee BBC waxay qortay qoraal ay kaga waramayso in agaasimaha Hayada Xuquuqda aadamaha uu Farmajo ku eedeeyay inuu ku dayanayo kalitaliyaha Eritrea Mr. Afawerki.  Agaasime Kenneth Roth, ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay fariin qoraal ah oo uu ku muujinayo in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku dayanyo madaxweynaha dalka Erateriya oo muddo badan xukunka haya isla markaana ay ka muuqdaan ficiladiisii oo kale.

“Layaab malahan in madaxweynaha Soomaaliya Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo ay Galaha Shacabku u sameeyaan muddo kordhin hal dhinac ah oo laba sano ah xili uu u muuqdo inuu qaadayo wadada madaxweynaha dalka Eratariya Isaias Afwerki isla markaana xukunka haya muddo dheer kaas oo bilooyinkii ugu dambeyay ay noqdeen xulufo aad isugu dhow” ayuu ku yiri qoraalkiisa Kenneth Roth.

Hadalka Agaasimaha Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights waxa uu ku soo aaday xilig uu farmajo dhex dabaalanayo mawjado jahawereer siyaasaded ah iyadoo beesha caalamku si toos ah uga hortimi mudo kordhinta uguna baaqday in uu markale la kulmi saamilayda siyaasada Somalia si loo gaaro xal waara.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdillahi Farmaajo ayaa shalay wadahadallo kula yeeshay Teendhada Afisyooni wakiillada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho. Shirka oo ahaa mid albaabadu u xiranaayeen ayaa labada dhinac uga wadahadleen xaalladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo xiisadda ka dhalatay muddo kordhinta labada sanno ah ee loo sameeyay hay’adaha dawladda federaalka ee waqtigoodu dhamaaday.Balse ilaa iyo hadda lama shaacin qodobbada dhabta ah ee shirkaasi la iskula soo qaaday.

Madaxweyne Farmajo wuxuu ku guuldaraystay inuu dalka doorasho ka qabto waxaanu markale ka baxay heshiisyadii la gaaray 17 september  oo aasaas u ahaa in la qabto doorasho dhinacyadu ku wada qanacsanyihiin. Ugu danbayn Farmajo waxuu golaha baarlamaanka ku qasbay inay u kordhiyaan mudo laba sano. Taasina waxey sababtay in dhamaan dadka siyaasada Somalia daneeyaa ka hor yimaadaan shacabkuna mudaharaad kaga horyimaadaan.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?