Amniga Muqdisho oo laga dayrinayo iyo Ciidamo Milatari ah oo la wareegay isgoyska Fagax.

 


Sida aan ka soo xiganay Jowhar news Ciidamadii Milateriga ee xalay ka soo baxay furimaha dagaalka deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa saaka gudaha u soo galay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo uu guuldareystay isku day la doonayay in ciidankaas dib loogu celiyo aagaggii ay ka soo baxeen.

Dhaqdhaqaaqa ciidamadan ayaa ku soo hagaagaya xili ay jirto xaalad adag oo dhinaca siyaasada ah. Muranka ku saabsan mudo kordhinta loo sameeyay xukuumada Farmaajo ayaa keentay jahawreer siyaasadeed iyo iska hor imaad u dhexeeya mucaaridka iyo dawlada kuwaas oo qaar dhankooda ciidamo u wataan. Hadaba Isgoyska Fagax oo kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ayaa goordhow waxaa gaaray ciidamadaa iyagoo ku hubeysan gaadiidka tiknikada ah.

Ciidamadan ayaa kala wareegay isgoyska ciidamo Boolis ah oo hore ugu sugnaa kadib markii Booliska ay isaga baxeen iyadoo aan wax iskahorimaad ka dhicin.Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay doonayaan inay la wareegaan dhammaan isgoysyada iyo wadooyinka muhiimka ah ee Waqooyiga Muqdisho.

Askarta ka gadooday ciidamada dowlada ayaa waxaa la sheegay inay ka soo horjeedaan muddo kororsiga Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Dhinaca kale wasiirka maaliyada ayaa ka dayriyay xaalada dhaqaale ee dalka. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in lacagaha lagu kabi jirey miisaaniyada dowlada laga jartay taasina ay ka dhalatay dhaqaalo la’aan.

“Kabkii nala siin jiray waxaa nalaga jaray Agost, Sacuudiga oo lacag noogu deeqayna waxay naga dhamaatay December, Qatar waxa ay nasiisay xoogaa weyna dhammaadeen, marka maanta waxa aan ku soconaa sagxadda” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxa uu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay isku tashadaan oo ay dowladoodu dhaqaale siiyaan.  Cabdiraxmaan Bayle wasiirka maaliyada ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ka codsan doonaan shacabka inay dhaqaale ku deeqaan.

Dhaqaale la’aanta ay dowlada federalka ay ku dhawaaqday ayaa ku soo beegmaysa xilli wargeys ka soo baxa dalka Maraykanka uu shaaciyay in lacag dhan 150,000 oo dollar uu Madaxweynaha xilligu ka dhamaaday ku bixyay shirkad u ololeyn doonta sidii uu booqasho ugu tegi lahaa dalka Maraykanka.

 

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?