AQALKA SARE EE SI CAD UGA HORYIMI MUDDO KORDHINTA BAARLAMANKU U SAMEEYAY XUKUUMADA FARMAJO.

 


Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa bayaan ka soo  saaray go’aankii maanta ee Golaha Shacabka uu muddo kordhin labo sano ah ugu sameeyay madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.  Warsaxaafadeed ka soo baxay Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in Golaha Shacaka uu go’aan hal dhinac ah qaatay, taasina ay ” dalka u horseedeyso xasilooni darro siyaasadeed oo ay wehliyaan khatarro amni iyo xaalado kale oo aan hadda la saadaalin karin,”

Cabdi Xaashi ayaa qoraalka ku yiri “Go’aanka halka dhinac ah ee Golaha Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday wuxuu Dalka u horseedayaa xasilooni darro siyaasadeed oo ay wehliyaan khataro amni iyo xaalado kale oo aan hadda la saadaalin karin. Sida oo kale, go’aankaasi wuxuu sii fogeeyay xal laga gaaro doorashooyinka Dalka isaga oo si toos ah u baalmaray sharciyaddii dowladnirnada ee ku dhisnayd Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka.”

 “Sidaas darteed, waxaan ugu baaqeynaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda muddo xileedkeedu dhammaaday, Guddoonka Golaha Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday in cagligu shageeyo laguna soo noqdo xeendaabka sharciga ah ee Dalka u yaalla iyo Heshiiskii September 17, 2020 oo ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si degdeg ahna loo wada fariisto miiska wada-hadalka; si Dalku doorasho u aado.”

Golaha shacabka ayaa  shalay fadhi ay yeesheen kulan ay u jeedadiisu tahay in mudo kordhin loo sameeyo madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday. Mudo kordhintan oo ah mid walaac ku abuurtay beesha caalamka waxay sii kordinaysaa burburinta uu farmajo ku hayo sharciga dalka.. hadaba golaha shacabka oo marka horeba u afduubnaa madaxweyne Farmaajo ku meel-mariyeen muddo kordhin sharci darro ah oo uu guddoonku sheegay inay hab gacan taag ah ugu codeeyeen illaa 149-xildhibaan oo ka qeyb-galay kulankii maanta, kuwaas oo ka dooday sharci gaar ah oo jiheenayo doorashooyinka heer Federaal.

Guddoonka ayaa faray Xukuumadda xil gaarsiinta ah inay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka  uga dambeyso arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federal isla markaasna gacan buuxda lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda Dastuuriga ah sida uu hadalka u dhigay Guddoonka Baarlamaanka.

Tallaabada uu qaaday Guddoonka golaha shacabka ayaa uga sii dareysa xaalada dalka, oo maalmihii u dambeysay mareysay meel xasaasiya, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, maadama ay mucaaridku ka biyo diidan yihiin muddo kordhinta sharci darrada.

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?