Bayaanka ka soo Baxay Shirka Beelaha Hawiye oo Mudo kororsiga lagaga soo Horjeestay.
Odayaasha, aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta beesha hawiye ayaa isugu yimid shir ay kaga soo horjeedaan mudo kordhinta baarlamanku u sameeyay xukuumada wakhtigeedi dhamaaday ee Farmaajo. Shirkan oo ku soo hagaagay xili xasaasi ah oo dalku ku jiro xaalado amni oo aan la saadaalin Karin. Beesha Hawiye oo iyadu degta caasimada Somaliya ayaa markan si toos ah ugu hortimi xukunka fashilmay ee Farmaajo waxaanay soo saareen bayaan ay ku cadaynayaan inay ka soo horjeedaan mudo kordhinta sharci darada ah.
Qodbada ay ka soo baxay shirweynaha beesha Hawiye waxa ugu muhiimsanaa qodobadan:
Inay sharci daro tahay mudo kordhinta loo sameeyay madaxweynaha wakhtigiisii dhamaada, kaasoo baarlamaanku u kordhiyeen 2 sano, halka golaha shacabkuna 2 sano kordhisteen mudo xileedkooda. Qodobkan oo aha aka ugu xasaasisan dooda adagina ka taagantahay ayay carabka ku adkeeyeen odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha Hawiye inaanay marnaba aqbalayn mudo kordhintaas.
Shirka waxa kale oo uuku baaqay in si degdeg ah looga laabto mudo kordhinta loo sameeyay madaxweynaha xiligiisii dhamaaday ee Farmajo. Shirwynuhu waxa kale uu carabka ku adkeeyay inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo lagu joojiyo mudo kordhintaas hadii aan laga laaban. Waxa kale oo uu shirku ka digay cawaaqib xumada ka dhalata mudo kordhintaas uu masuuliyadeeda qaadi doono madaxweynah wakhtigiisii dhamadaay.
Shirweynuhu waxa kale oo uu ku baaqay in la qabto doorasho loo dhanyahay oo ku dhisan heshiiskii la gaaray 17 September 2020. Waxa kale oo uu shirwaynuhu soo jeediyay in ay shir degdeg ah isugu yimaadaan madaxda maamul goboleeda iyo golaha midawga musharaxiinta iyadoo aan loo xayirmayn madaxweynihii hore maadaama oo uu cadeeyay inaanu doorasho rabin taas badedlkeedana uu doorbiday mudo kororshi sharci daro.
Goluhu waxa kale oo uu cambaareeyay taageerada qaar ka mid ah maamul goboleedadu ku taageereen mudo kordhinta sharci darada ah, waxaanay sheegeen inaanay shacabka Somaliyeed ku metelin go’aankaas ay qaateen, waxaana laga dalbanayaa inay ka laabtaan go’aankaas oo horseedi kara xasilooni daro iyo qalalaasew siyaasadeed oo ku timaada dalka Somalia.
Golaha beelaha Hawiye waxa kale oo ugu baaqay shacabka Somaliyeed inay diidaad mudo kordhinta sharci darada ah ee loo sameeyay Farmajo. Meelna uga soo wada jeestaan sidii dalka xukunkiisa la isugu wareejin lahaa si nabadgalyo afartii sanaba hal mar taasoo udub dhexaad u ah nabadgalyada, dawlad dhiska iyo dimoqraadiyada.

Comments
Post a Comment