Beesha Caalamka oo Cadaadis Saaraysa Maamul goboleedada Villa Somalia Taageersan.

 


Beesha caalamka ayaa ku guul dareesatay dadaalo badan ay ku dooneysay in ay ku heshiiyaan madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka  ka dib markii u fashilmay shirkii Afsiyooni. Dedaaladan oo beesha caalamku ku doonaysay in lagu xaliyo khilaafka la xiriirar arimaha doorashooyinka ayaa noqonayaa kuwo ay markan cadaadis ku saarayaan maamul goboleedada  taageersan Farmajo.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in beesha caalamka bilaabeyso cadaadis ay saareyso madaxda dowlad goboleedyada  taageersan Farmajo kuwaasoo fashilkii shirka ku eedeeyay madaxda maamulada Jupaland iyo Puntiland..

Dhinaca kale Wararku waxay intaas ku darayaan in xubnaha Beesha Caalamka ay ka diideen madaxda seddaxdaas maamul goboleed dalabkooda ahaa in la fasaxo, waxaana lagu war-geliyay inaysan ka tegi karin Muqdisho, islamarkaana garabkii shirka ka baxa loo aqoonsan doono qas-wade. Taasi oo noqonaysa talaabo ka dhan habsami u socodka arimaha doorashada.

Hore ayay beesha caalamku uga digtay xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ee Farmajo inay samayso mudo kororsi. Beesha caalamku mar walba waxay aaminsantahay in lala yimaado tanaasul iyo deganaan siyaasadeed balse xukuumada wakhtigeedii dhamaaday marna ma abuurin jawi la isku fahmi karo.

Wakiilada beesha caalamka ayaa sidoo kale la sheegay in madaxda taabacsan madaxtooyada Soomaaliya si gaar ah diirada u saareyso si ay uga fur furto Farmaajo ugana dhaa dhiciso maamuladaasi in raali ka noqdaan doorasho madax banaan.

Beesha caalamka ayaana aaminsan hadii cadaadis la saaro maamulada lagana furo villa Soomaaliya kuwa taabacsan in madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya dabcayaan ayna ogolaanayaan qabashada doorasho loo dhan yahay.

Kulan xalay dhax maray Wakiilada beesha caalamka qaarkood iyo madaxda sadex maamul oo taabacsan dowlada fedeeraalka ayaa madaxda maamuladaasi loogu hanjabay in xayiraad la saarayo hadii Muqdisho ka baxaan.

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?