Dagaalka ka socda magaalada muqdisho iyo xaalada amaanka oo kacsan.
Xaalada amaan ee caasimada muqdisho ayaa kacsan ka dib markii xalay fiidkii uu ka bilaabmay dagaal u dhexeeya ciidamada dawlada. Dagaalka oo ka dhacay goobo muhiim ah oo ka mid ah magaalada muqdisho waxa iskaga hor yimaaday ciidamo ka soo horjeeda mudokororsiga Farmajo loo sameeyay iyo ciidamada dawlada. Dagaalka oo ilaa xalay goor danbe socday waxa uu ka dhacay KM4, Madaxtooyada hore Cabdiqasim, isgoyska dabka, isgoyska shaqaala ilaa isgoyska Fagax.
Dagaalka caawa ka socda magaalada Muqdisho ayaa kusii fidaya degmooyin hor leh oo katirsan gobolka Banaadir, dagaalka ayaana u dhaxeeya ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo iyo ciidamo kasoo horjeeda mudo kororsiga Farmaajo. Si kastaba ha noqotee xaalada amaan ee xiligan ayaan la saadalin Karin waxaana sii kordhaya walaaca laga qabo in markale uu dagaal ka qarxo magaalda caasimada ah.
Sida aan wararka ku helnmay dagaalkii ka socday degmada Hodan gaar ahaan guriga uu degan yahay Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku dhaw Madaxtooyadii Cabdi Qaasim ayaa hada xoogaa qaboobay, waxaana wali aagaasi ka dhacaya rasaas goos goos ah.
Ciidamo kale oo katirsan mucaaradka kana soo horjeeda mudo kororsiga dowlada ayaa weerar ku qaaday Isgooska Sayidka ee laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana agaaasi ka dhacay rasaas mudo kooban socotay. Waxaana agagaarka Sayidka iyo xaafadaha ku dhaw dhaw ku sugan ciidamo badan oo hubeesan kuwaa oo kasoo horjeeda mudo kororsiga Farmaajo , ciidamadan ayaana difaac kaga jira agagaarka Dabka , Hotel Wehliye iyo xaafado kale oo ku dhaw dhaw.
Dhinaca kale tiro madaafiic ah ayaa caawa lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya , madaafiicdan ayaana la sheegay in Madaxtooyada ku garaaceen ciidamada Mucaaradka ee dagaalka kala horjeeda ciidanka dowlada.
Dagaalka ayaa waxa uu saameyn u yeeshay Madaxtooyada iyadoo tiro madaafiic ah ay ku dhaceen xarunta Madaxtooyada Soomaaliya walow aan la sheegin waxyeelada ay geyseen Wasiirka Amniga dowlada federalka Xasan Xundubey oo warbaahinta dowlada ka hadlay ayaa beeniyay in ciidamada dowlada ay weerareen hoyga madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaridka ayaa xukuumada Farmaajo ku eedeeyay weeraro lagu qaaday goobaha ay ka deganyihiin magaalada Muqdisho. Cabdirahman Abdishakur ayaa sheegay in gurigiisa ay soo weerareen qaar ka mid ah saraakiil uu ka mid yahay Farhan Qooroole waxaanu sheegay inay masuuliyada wixii soo gaadha ay qaadi doonaan Farmaajo iyo saraakiisha ka amar qaataa.

Comments
Post a Comment