Hoobiyeyaal lagu weeraray goobo u dhaw Madaxtooyada.

 


Sida aan ka soo xiganay shabakada Jowhar news Tiro hoobiyaal ah ayaa ku soo dhacay goor dhow degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere oo ku dhow Madaxtooyada Qaranka. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in mid ka mida hoobiyaasha uu ku dhacay guri ay qoys deganyihiin islamarkaana uu sababay qasaaro.

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan madaafiic ku dhacday maanta degmooyin ku dhow Madaxtooyada Qaranka.

Hoobiyeyaashan ayaa mid ka mid ah waxa uu ku dhacay degmada Boondheere iyadoo ay ku dhinteen labo haween ah shan ruux oo kalana ku dhaawacmeen. Sidoo kale hal madfac ayaa ku dhacay meel ku dhow darbiga Madaxtooyada Soomaaliya.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, oo ay sheegtay inay la beegsatay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dhinaca kale War Saxaafadeed ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu soo dhoweysay hindisaha la soo jeediyey ee ah in dib loo furo wadahadalka saamilayda siyaasada Soomaaliya, si loo xaliyo ismari waaga ka taagan doorashada. Qoraalka IGAD ayaa waxay ku sheegtay in Wadahadalku uu yahay geedi socod muhiim ah oo dhaliya kalsooni iyo dhammaystirka dhammaan arrimaha hortaagan doorashada.

Urur Goboleedka IGAD waxay ku dhiiri galisay dhamaan daneeyayaasha inay fursad siiyaan hindisaha cusub, ayna dib u galaan wada hadal furan oo wax ku ool ah iyadoo la fiirinayo danta ugu jirta dadka Soomaaliyeed.

Waxay kaloo si aad ah ugu boorisay dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan talaabo kasta oo sii xoojinaysa xiisadaha ama isku dhac keeni kara.

 

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?