MADASHA BADBAADO QARAN OO FARMAAJO KU EEDAYSAY INUU CIIDANKA DAYACAY.

 


Sida aan ka soo xiganayay Caasimada Online madasha Badbaado Qaran ayaa war ka soo saaray dagaal ay kooxda Alshabab ku qaaday fariisimo ay ciidamada dawladu ku leeyihiin Awdhiigle iyo Bariire. Madashu waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha xiligiisii dhamaaday ee Farmaajo inuu ciidanka qaranka dayacay isla markaana waxey bogaadin u direen ciidanka qaranka oo iska difaacay kooxda Alshabaab oo soo weerartay.

Qoraalka ayaa lagu yidh “Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed waxey bogaadinaysaa sida geesinimada leh ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iskaga caabiyey weerarkii ay argagexisada Al shabaab kusoo qaadeen fariisamahooda deegaannada Aw-Dheegle iyo Bariirre ee Gobolka Shabeelada Hoose. Madashu waxey tacsi u direysaa dhammaan qoysaska ay ka baxeen geesiyaashii ka tirsanaa CXD ee ku shahiiday weerarkaas, waxeyna caafimaad deg-deg ah u rajeyneysaa saraakiisha iyo ciidanka kale ee weerarkaas ku dhaawacmay.”

Dagalakan oo ahaa mid qaraar waxa uu dhexmaray kooxda Alshabaab iyo ciidamada dawlada waxaanay la sheegayaa inay jiraan qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ba ah.

Qoraalka madasha waxa lagu canbaareeyay dagaalka waxaanay ku eedeeyeen madaxweynaha mudoxileedkisii dhamaaday inuu ciidanka aanu siin muhiimad oo uu dayacay. Waxaa kaloo cadaatay in uu ciidankii intiisii badnayd ee saldhigyadaas ku sugnaa u soo daad-gureeyey magaalada Muqdisho, si uu ugu cabburiyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan. Halka in badan oo ka mid ah ciidankii, hubkii iyo agabkii kale ee loogu talagalay la dagaallanka argagexisada loo wareejiyay gobolka Gedo, si uu deegaannadaas uga huriyo colaad sokeeye, taasoo uu dhiig badan uu ku daatay.”

“Madashu waxey kaloo madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ku eedeyneysaa, in hey’addii Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee waajibkeeda koowaad ahaa xog ka keenista dhaq-dhaqaaqyada cadowga Al Shabaab, ay dayacday howlihii Qaranka ee loo igmaday. Taas badalkeedana ay shaqo ka dhigatay dabagalka dhaq-dhaqaaqa siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo arrimaha doorashooyinka Dalka. Dayaca shaqo ee NISA wuxuu sababay in argagexisada ay helaan fursado ay ku weeraraan ciidanka ku sugan furimaha dagaalka ama ay qaraxyo naf halligis ah ku xasuuqaan shacabka magaalada Muqdisho.”

Ugu danbayn madashu waxay dalbatay in  gurmad xoojin ciidan, hub iyo saadba leh degdeg loo gaarsiiyo ciidamada ku sugan saldhigyada maanta la weeraray iyo fariisimaha kale ee u dayacmi kara cadowga, si ay awood ugu yeeshaan in ay naftooda iyo shacabka ka difaacaan cadowga ummadda Soomaaliyeed ee argagexisada Al Shabaab,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka Madasha Badbaado Qaran.

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?