MARAYKANKA IYO BEESHA CAALAMKA OO CULAYS SIYAASADEED SAARAYSA FARMAJO SI LOOGA LAABTO MUDO KORDHINTA.
Ka dib markii baarlamku 2 sano u kordhiyay mudo xileedkii madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday xukuumada Washington waxay cadaysay inaanay taageeri doonin muddo kororsi aan haysan taageerada saamileyda siyaasadda Soomaaliya, iyo hanaan doorasho oo hal dhinac ah iyo kuwa is-dhinac socda.” ayuu yiri Blinken.
Dawlada Maraykanku waxay si cad uga hortimi mudo kordhintan iyadoo balan qaaday inay qaadi doonto talaabooyin culays lagu saarayo xukuumada boobaysa doorashada dalka. Maaha maraykanka oo kaliya balse waxa jira culayso siyaasadeed oo la saarayo xukuumada Farmajo si dalka looga badbaadiyo qalaalase siyaasaded.
War saxaafadeed uu soo saaray xoghayaha arimaha dibada maraykanka Mr. Blinken ayaa lagu sheegay sidan “Ficillada noocan ah waxay noqon doonaan kuwa aad wax u kala qeybiya, waxyeeleeya hanaanka federaalka iyo isbeddelada siyaasadeed ee xudunta u ahaa horumarka dalka iyo saxiibtinimada beesha caalamka, waxayna dareenka ka weecinayaan Al-Shabaab.
Maraykanku waxa uu walaac ka muujiyay dhaawaca soo gaadhay dimoqraadiyada Somalia waxaanu tilmaamay in xukuumada Farmajo dalka u horseedayso qalalaase siyaasadeed iyo amni daro ka dhalan karta mudo kordhinta aan sharciga ahayn.
Waxa kale oo warsaxaafadeed ka lagu yiri “Waxay ku qasbi doontaa dowladda Mareykanka inay dib u qiimeyso xiriirka aan la leenahay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan midka diblomaasiyadeed iyo kan kaalmo, islamarkaana aan ka fakarno wax kasta oo aan heli karno, oo ay ka mid yihiin cunqabateyno iyo xayiraado visa, si aan uga jawaabno, dadaallada lagu waxyeeleynayo amniga iyo xasilloonida,” ayuu yiri xoghayaha arriamha dibedda Mareykanka.
Dhinaca kale Qoralaka ay sid wada jir ah u soo saareen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Kanada, Danmark, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay mowqifka beesha caalamka ee saabsan mudo kordhinta.
Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxaan si isdaba joog ah u sheegnay in aan la taageeri doonin geeddi-socod siyaasadeed oo is barbar socda, doorashooyin aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo keenaya kordhinta muddo xileedkii hore.
“Qaraarka 12-kii April wuxuu wiiqayaa nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo meelo ka baxsan. Qaraarkan ayaa sidoo kale sii daahin doona qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo kuwaas oo ay sugayeen dadka Soomaaliyeed.”
Dalalka beesha caalamka ayaa sidoo kale qoraalkooda ku sheegay in hirgelinta heshiiskii 17kii September uu yahay hanaanka ugu wanaagsan ee waxqabad ee la heli karo.
Sidaa darteed, ayey yiraahdeen “waxaan ku boorinaynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka inay si dhakhso leh ugu soo laabtaan wadahadallada si loogu heshiiyo habka hawsha horey loogusii wedi lahaa. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, ayna sii wadaan wadahadalka, iskana ilaaliyaan ficillada halka dhinac ah ee kicin kara xiisadaha.”
Comments
Post a Comment