MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII
Waxa soo kordhaya baaqyo caalami ah oo ka minaya beesha caalamka kuwaas ugu hanjabaya dawlada uu hogaamiye madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday ee Farmajo ka dib markii laba sano ay u kordhiyeen baarlamaanku. Mareykanka ayaa sheegay inuu si aad ah uga xumaaday go’aanka Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen ee labo sano loogu Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.
War saxaafadeed ka soo baxay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu sheegay si is daba joog ah ay horay ugu adkeeyeen inay muhiim u tahay nabada, xasiloonida, barwaaqada, iyo dowladnimada Soomaaliya in Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ay gaaraan heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan dariiqa loo marayo geeddi socodka doorashooyinka.
“Waxaan sidoo kale si cad u sheegnay in Mareykanku uusan taageerin kordhinta amar bixinta iyada oo aan taageero ballaaran laga helin daneeyayaasha arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, sidoo kale Mareykanku ma taageerayo hannaanka doorashooyinka ee isbarbar socda ama qeyb ahaan ah”ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka.
“Dhaqangelinta sharcigan ayaa caqabad weyn ku noqon doonta wadahadalka, isla markaana sii wiiqi doonta nabadda iyo amniga Soomaaliya. Waxay ku qasbi doontaa Mareykanka inuu dib u qiimeeyo xiriirkeenna laba geesoodka ah ee aan la leenahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo ay ku jirto ka qeyb qaadashada diblomaasiyadeed iyo kaalmada, iyo in la tixgeliyo dhammaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xaddidaadda safarada, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida.
Waxaan ugu baaqeynaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay si deg deg ah ugu soo laabtaan wadahadalada isla markaana ay isla meel dhigaan wadadii horey loogu mari lahaa xalinta xiisada doorashada. Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan, sii wadaan wadahadalka, ayna ka fogaadaan ficillo dheeraad ah oo hal dhinac ah oo sii hurinaya xiisadaha isla markaana wiiqaya geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo hay’adaha Soomaaliya.
Dhinaca kale qoraal ka soo baxay Midowga Yurub ayaa hanjabaad kulu dul dhigey dowlada federalka kadib muddo kororsigii uu Aqalka Hoose u codeeyay.
Qoraalkan ayaa loogu baaqey in si deg deg ah loogu laabto wadahadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyadoo aan dib loo dhigin iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17. Haddii taa la waayo, Midowga Yurub uu tixgelin doono tallaabooyin dheeri ah oo aan la carabaabin.
Bayaanka ka soo baxay Midowga Yurub waxa lagu yiri “Shalay, Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu u codeeyay in si-dhab ah loo kordhiyo waqtiga Madaxweynaha iyo dowladda Federaalka labo sano kadib ciriiriga ku yimid geeddi-socodka doorashooyinka oo ay ahayd in la soo afjaro ugu dambeyn 8da Febraayo 2021. Tallaabadani waxay wiiqaysaa dadaal dheer, oo ay taageereen EU iyo beesha caalamka, si dib loogu dhiso Soomaaliya iyada oo loo marayo is afgarad.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay

Damaca farmaajo dalkuu burburinayaa hadaan laga qaban ee soomaliyey tashada
ReplyDeletebeesha caalmka ay ugu horeeyso Mareykanka in qaswade farmaajo eey ku soo celiyaan wadada saxada ah si looga badbaadiyo burbur lamid ah kii 1991
ReplyDeletefarmaajo ajandooyin shisheeye darteed ayuu mudada usii kursadey iyo mid shaqsiyeed kalitalinimo somaliya maantey markle maqaadi karto
ReplyDelete